Munaasabad si weyn loo muuneeyay oo lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo ayaa 21-kii bisha Febraayo 2021-ka, waxaa lagu qabtay maagaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug..

Xafladdaas qiimaha badan ayaa waxa ay aheyd mid kulmisay mas’uuliyiin heer gobol iyo heer degmo leh, haldoorro ka tirsan bulshada, sida hal-abuurro suugaaneed, qorayaal, hormuudyo jaamacadeed, macallimiin, arday iyo ganacsato.

Xuskan oo ay hoggaaminayeen isla markaana ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) iyo Naadiga Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed (Somali PEN), ayaa gacan ka helay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska iyo Dhaqanka Puntland iyo hay’ado maxalli ah oo ay ka mid yihiin Maktabadda Scansom, TAG Foundation, shirkadaha ganacsiga ee Al-macruuf iyo Born Smart Stone.

Hal-doorradii munaasabadda ka hadlay waxaa ay si xeel dheer uga hadleen qodobbo dhawr ah oo dhammaandood daarran dadaallada loo baahan yahay iyo siyaabaha loogu hiillin karo afka hooyo. Waxaa aad loo iftiimiyey qodobbo ay ka mid yihiim:
1. Xidhiidhka ka dhexeeya afka iyo aqoonsiga (haybta) hawiyadda (hiraalka) qofka,
2. Halista maanta afku ku sugan yahay iyo khataraha ku soo fool leh,
3. Sida loo badbaadin karo iyo cidda badbaadin karta..

Burhaan Maxamed Cabdi oo ah weriye ruugcaddaa ah, ahna mas’uulka heer gobol ee maamulka Puntland u qaabilsan warfaafinta ayaa tilmaamay in maanta xaalad halis ah afkeennu ku sugan yahay, loona baahan gurmad degdeg ah oo lagu badbaadiyo afka.

“Halis oo aan hore u soo marin ayaa afku wajahayaa. Afku wuxuu ka sii baxayaa adeegsiga dadkiisa, oo afaf qalaad ayaa baddelaya oo ka saaray waxbarashadii, maamulkii dawladda, ganacsigii iyo u adeegsigii nolol-maalmeedka caadiga ah. Haddii aan gurmar degdeg ah oo ummaddeed aan lagu badbaadinna masii noolaan karo afku” ayuu yiri Burhaan.

Mas’uulkaasi oo hadalkiisa sii wata ayaa warfidiyeenka iyo warbaahinta ku boorriyey in doorkooda oo lagama maarmaan u ah badbaadada iyo horumarka afka ay si xilkasnimo lehu gutaan, gacan wax-ku-ool ahna ka geystaan gurmadka loo galayo hiilka afka.

“Waa in aan af tayo leh iyo erey-bixin habboon oo barax la’ intii karaankeena ah aan ku gudbinnaa carrabkeenna, qalinkeenna iyo qalabkeenna waxbaahinta” ayuu mar kale yiri Burhaan Maxamed Cabdi.

Iskudwaha waxbarashada ee gobolka Mudug Axmed Huruuse Xaashi ayaa khudbad rajo abuuraysa ka jeediyay xuska. Iskuduwahu waxa uu sheegay in wasaaraddiisu ay ku baraarugtay halista ku furan afka hooyo, sidaa daraadeedna wasaaraddu dedejisay dhammeystirka manhaj cusub oo ku dhigan Af Soomaali.

“Daryeelka iyo horumarinta afka hooyo waa mas’uuliyad wadareed iyo xil saaran qof kasta, hay’ad iyo maamul kasta. Afka in si wax-ku-ool ah loogu adeegsado waxbarashada waa arrin lama huraan ah oo xuddun u ah difaaca, daryeelka iyo hirgelinta afka. Sida taariikhdu na barayso afku waxaa uu koray, horumarkii u sarreeyayna uu sameeyay kolkii waxbarasha la Soomaaliyeeyay, maamulkana loo adeegsaday” ayuu yiri iskuduwaha waxbarashada.

Guddoomiyaha ururka haweenka ee gobolka Mudug Shukri Cabdi Cali ayaa Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) iyo Naadiga Qorayaasha iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed (Somali PEN) ku bogaadisay xuska loo asteeyay Maalinta Afka Hooyo iyo gurmadka badbaadinta afka.

“Xuskan loo sameeyay Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo waa dhacdo muhiim ah oo abuuraysa dareen ummadeed oo gurmad u noqon kara hiilka iyo badbaadada afkeennu u baahan yahay” ayay tiri Shukri Cabdi Cali.

Xasan Yasiin oo ka tirsan Maktabadda Scamsom iyo hay’adda TAG Foundation oo martigeliyey kuna deeqay madashii xuskani ka dhacay, ayaa sheegay in Maktabadda Scansom iyo TAG Foundation ay gacan ka geysanayaan gurmadka loogu hiillinayo afka hooyo. Wuxuu sheegay in ay wadaan barnaamijyo lagu tayeynayo adeegsi-wanaagga afka, kobcinta xirfadaha qoraal-curinta iyo tababarro loo fidinayo da’yarta doonaysa in ay hal-abuurkooda soo bandhigaan.

Hal-abuurro kala duwan ayaa madasha ku soo bandhigay maansooyin guubaabo ah oo tilmaamaya qiimaha afkeennu leeyahay, dayaca haysta, isla markaana tusaaleynaya daryeelka iyo hiilka afku nooga baahan yahay. Hal-abuurradaa waxaa ka mid ahaa Cabdullaahi Aadan oo ah gabayaa gobolka aad looga yaqaan.

Madasha waxaa laga soo jeediyey tallooyin dhawra oo tilmaamaya sida loogu baahan yahay in dadaal iyo hiil loo dhan yahay lagu wajaho halista uu maanta afku ku sugan yahay oo shacab iyo dawladba gurmadkaas loo midoobo.

Dawladda Hoose ee Gaalkacyo waxaa loo soo jeediyey in ay xeer mamnuucaya kasoo saarto cinwaannada (boorarka) ganacsiga iyo iidhehyada (xayeysiisyada) afafka qalaad oo keli ah lagu qoro.

Ugu danbeyntiina Ku-xigeenka Duqa Degmada Gaalkacyo Shaafici Cabdulahi Xaashi oo ka jawaabaya soo jeedintii ka qaybgalayaasha xuska ayaa sheegay in maamulkiisu kaalin muuqata ka geli doono gurmadka lagu badbaadinayo afka, isla markaana ay qaadi doonaan tallaabooyin waxtar leh oo lagu ilaalin doono afka hooyo.

Waxaa Diyaariyay: Burhaan Daahir