Waqti aad u fog oo ku astaysan 1987-kii, ayay soo baxday daabacaaddiisii u horreysay. Maxamed Afrax, oo ah qoraa Eebbe mihnad qoraanimo iyo af hodan ku galladay, ayaa buuggan qoristiisa ku fara yaraystay.
Runtii, waa buug akhristaha dhex gaynaya, adduunyada la-yaabka leh ee hal abuurka iyo wax curinta, far murdisadana usoo daraya, miidda iyo macaanka suugaanta soomaaliyeed leedahay.
Waxaan aad ula dhacay, qaabka uu qoraagu u lafa gurayo, oo uu u faaqidayo, riwaaydaha iyo guud ahaanba fan masraxeedka Soomaalida.
Waxaan si ikhtiyaarkey ah ugu soo jeedin lahaa qalin maalka Soomaaliyeed, inay cilmi baarisyo kala duwan ka sameeyaan; dhaqanka, afka, suugaanta, iyo wax kastoo dunteenna iyo Soomaalinimadeenna ku lug leh. Ogoow asalnimadeenna oo aynu dhowrnaahi, waa jiritaankeenna oo aynu xoojinaaye.
Cimri dheer iyo caafimad qab baan Eebbe kaaga rajaynayaa, Dr. Maxamed Daahir Afrax. Waar, oo waayo badan sii joog!