Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa maanta, oo ku beegan 23/8/2021, waxa uu khudbad qiimo badan, oo ku saabsan hiilka afka hooyo, hoggaamiyeyaasha Soomaalida uga jeediyay Masraxa Qaranka ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka socotey xaflad heer qaran ah oo lagu muujinayey ahmiyadda Af-Soomaaliga, laguna hawlgalinayey guddiga 4-aad ee Af-Soomaaliga.

Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa ugu horeyntii xusay inuu ku faraxsan yahay heerka uu soo gaarey baraarugga loogu hiillinayo afkeenna hooyo, baraaruggaas oo laga dheehan karo xafladdaan heerkeedu sarreeyo. Wuxuu is garab dhigay heerka maanta la joogo iyo halkii la joogey xilligii uu asagu qayla-dhaanta badbaadinta afka hooyo ka bilaabay magaalada London 28 sano ka hor, xilligaas oo aysan jirin cid kale oo ka hadlaysa ama xusuusan Af-Soomaali; Ama cid ka hadlaysa  halista ku soo wajahda afkeenna hooyo iyo baahida degdegga ah ee loo qabo in la badbaadiyo.

Dr. Afrax wuxuu iftiimiyay Af-Soomaaligu inuu yahay nicmo uu Alle ku mannaystay ummadda Soomaaliyeed, oo u dhiganta dhulka iyo khayraadka ku ku jira. “Ummadda hadduu ka dhinto afkeeda hooyo, waxaa la dhinta dhaqankeeda, aqoonteeda iyo astaanteeda ummadnimo; ummadda intaasi ka dhimataana ma yeelan karto awood ay uga faai’deysato dhulkeeda iyo khayraadka ku jira; sidaa darteed ayuu afku u yahay nimcadda koowaad ee Alle ku manaystay Ummadda Soomaaliyeed” ayuu hoosta ka xarriiqay Prof. Afrax. Wuxuu intaas ku daray nimco kale inay tahay inay dadka Soomaaliyeed dhammaantood af mid ah wadaagaan, taas oo ay uga duwanyihiin afrikada madow inteeda kale.

Guddoomiyaha AGA oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay dadaalkii hiilka afka hooyo ee ay muddada dheer ka wadeen dibadda, kana soo bilaabeen London ka dibna ay saldhig u noqotay Jabuuti iyo madaxweyneheeda, Geelle, oo dadaalka ugu weyn sameeyey, iyo Dawlad-degaannka Soomaalida oo kaalin weyn ka soo qaatay. Ka dibna soo noolayntii dowladnimada Soomaaliya ay qayb ka noqotay soo noolaynta Af-Soomaaliga dhinaca Soomaaliya.

Wuxuu carrabka ku dhuftay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay bilowday tallaabooyin fiican, haddana laga sugayo wax ka sii badan inay ka qabato daryeelka afka hooyo.

Tallaabooyinka looga baahanyahay inay hormuud ka noqdaan madaxda Soomaaliya ayuu Dr. Afrax wuxuu tusaale uga soo qaatay soo celinta maqaamkii uu dalka ku lahaa Af-Soomaaligu, markii uu si dhab ah u ahaa afka rasmiga ah ee dalka, burburka ka hor. Wuxuu sheegay inay haddaba Dastuurka ku qoran tahay inuu yahay afka rasmiga ah, laakiinse an sidaas loogu dhaqmin, xagga waxbarashada iyo xagga maamulka xafiisyada oo ah labada halbowle oo afku ka noolaado am aka dhinto. Waxaa soo raaca warbaahinta oo iyadana afka ay maanta adeegsato uu ku socdo tayo-burbur ba’an. Intaas iyo in ka badan ayaa u baahan in wax laga qabto.

“Ha loo wada sara kaco hiilka afka hooyo, iyadoo ay isla wada-kaashanayaan dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo dowladahoodu” ayuu Dr. Afrax ku soo gunaanadey hadalkiisii qiimaha badnaa.