Munaasabad lagu maamuusayay soo bandhiggida dhigane cusub oo loogu magac darey Ababinta Toosan, ayna ka soo qeyb-galeen masuulyiin ka kala socotay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), Akadeemiyada Qaranka, bahda waxbarshada, naadiyada akhriska iyo qoraalka iyo marti sharaf kale ayaa shalay oo ku beegneyd 10/12/2020 waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Qoraha dhiganaha Ababinta Toosan qoraa Aw Cabdi-qani Xasan Muxamed oo ugu horeyntii ka hadlay munaasabaddaasi ayaa ka sheekeeyay nuxurka uu xambaarsan yahay iyo muhiimadda uu bulshada u leeyahay dhiganahaasi, waxaana uu tilmaamay in buuggani uu yahay mid waalidiinta ku baraarujinayo masuuliyadda waalid kasta ka saaran sidii uu caruurtiisa ugu ababin lahaa dhaqan wanaagsan, isaga oo hoosta ka xarriiqay buuggani in uu dhaxal badbaado u yahay ubadka Soomaaliyeed.
Madaxa Tababbarada Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Macallin C/llaahi Shiikh Cabdi (Gacanka), Prof. Maxamed Cilmi Tooxow oo ka tirsan madaxda Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta iyo Al-ustaad Cali Suudi Nageeye oo ku hadlayay magaca madaxda naadiyada akhriska iyo qoraalka ayaa dhammaantood waxa ay qoraaga ku ammaaneen xulashadiisa ku aaddan magac bixinta buuggiisa, iyaga oo ku bogaadiyay sida uu isugu dheelli-tiray dhiganahaasi oo lagu soo ururiyay talooyin ku saabsan xagga diinta, dhaqanka iyo aqoonta guud.
Gaba-gabadii munaasabaddaasi ayaa qoraaga dhiganaha Ababinta Toosan Aw Cabdi-qani Xasan Muxamed waxa uu buuggiisa u saxiixay dad badan oo iibsadey iyo qaar uu hadiyad ahaan u siiyay.















