Maanta oo ku beegan 22/3/2021 Naadiga Pen ee Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Dhaqanka ee Dawladda Jabuuti waxa ay magaalada Jabuuti ku qabteen munaasabad ballaaran oo loogu talagalay soo bandhiggida buugga cusub ee Dr. Maxamed Daahir Afrax ee magaciisu yahay  دراسات في الثقافة والفن فى اليمن والصومال وجيبوتي (Darsidda Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaaliya, Jabuut iiyo Yaman).

Munaasabaddaas oo si qurux badan loo soo agaasimay waxaa ka soo qeyb-galay boqollaal maskax-maal ah oo ay ka mid ahaayeen macallimiinta iyo ardayda Jaamacadda Jabuuti, waxgaradka kala socdey xarumaha aqoonta, qaybaha bulshada, aqoonyahanno caan ah iyo madax sare oo ay ka mid ahaayeen Wasiirro iyo Guddoonka Somali Pen, abwaanno, saxafiyiin, iyo marti-sharaf kale.

Furitaankii bandhiggaas ugu horrayntii waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Naadiga Pen, Xaaji Ismaaciil Xuseen Taani, oo si faah-faahsan uga hadlay qiimaha buugga cusub iyo taariikhda dheer ee waxqabadka iyo dadaalka qoraaga buugga Dr. Afrax. Wuxuu ku ammmaanay qoraaga sida hagar la’aanta ah ee uu had iyo goor ugu taagan yahay daryeelka iyo horumarinta afka, dhaqanka iyo hal-abuurka ummadda Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Islaamka, Awqaafta iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Muumin Xasan Barre oo si rasmi ah u furay munaasabaddaas ayaa sheegay inuu soo akhriyey buugga kana faai’deystay wax aad u qiima badan. Dhanka kale wasiirku qoraaga buugga Dr. Afrax wuxuu ku tilmaamay halyey naftiisa iyo waqtigiisa u hibeeyay sidii uu ummaddiisa uga dhisi lahaa dhinacyada aqoonta, dhaqanka iyo hal-abuurka, waxaana uu iftiimiyay in buuggiisa cusub uu yimid xilli loo baahnaa, isaga oo bulshada ku guubaabiyay inay ka faa’iidaystaan aqoonta cusub ee qotada-dheer ee uu xambaarsan yahay buugaasi.

Intaas kadib, waxaa cod-baahiyaha lagu soo dhaweeyay qoraaga buugga Dr. Maxamed Daahir Afrax oo laga codsaday inuu sharraxaad ka bixiyo sababihii ku dhaliyay iyo xogta kale ee ku saabsan buuggiisa, waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay afeefta ah:

“Ma jecli in aan ka hadlo waxa ku qoran buugaagtayda; waayo waxaan u arkaa cidda ku habboon inay ka faallooto in ay tahay dadkii akhristay. Sidaas daraaddeed, waxaan ku soo koobayaa hadalkayga in aan wax ka taabto duruufaha ku xeeran buugga iyo sababihii igu dhaliyay in aan soo saaro.” ayuu yiri Dr. Maxamed Daahir Afrax.

Qoraaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu tilmaamay sababaha ku kallifay soo saaridda buugga in ay ka mid tahay qiimaha dhaqanka, afka iyo hal-abuurka fan iyo suugaaneed ay ugu fadhiyaan nolosha dadyowga ku nool dadlalka buuggu ka hadayo, kuwaasoo kala ah Soomaaliya, Jabuuti iyo Yaman. Sababta labaadna waa la’aanta qoraallo si cilmi ah uga hadlaya arrimahaas iyo sida ay u yihiin halbowlaha xiriirka soo jireenka ah ee dalalkaas walaalaha ah. Sabab kale wuxuu sheegay inay tahay in guud ahaan adduun-weynaha gaar ahaanna dadyowga Af-Carabiga ku hadla tuso dhinaca wanaagsan ee dadka Soomaaliyeed, dhankaas oo ah dhanka iyo hal-abuurka suugaaneed, taas oo wax ka baddali karta fikradda xun ee ay ka haystaan Soomaalida, fikraddaas oo ay ka qaateen sawirka foosha xun ee warbaahinta dibaddu ka bixiso dadkeenna.

Ka dib waxaa hadalka lagu wareejiyey aqoonyahannadii buugga soo akhriyey, si ay uga bixiyaan faallo iyo qiimayn. Aqoonyahannadaas oo u badnaa barfasoorro jaamacadaha ka dhiga suugaanta iyo culuunta bulshada, waxaa ka mid ahaa Dr. Cabdil-waarith Cali Aadan, Prof. Cilmi Good, Dr. Cabdi Faarax xasan (Shucayb), Prof. Cabdullaahi Cumar Buraale, Cawo Cabdi ooah saxafiyad ka hawlgasha Al-Jaziira iyo Ismaaciil Cabdi Axmed, Xoghayaha Somali Pen. Xeeldheerayaashaas dhammaantood waxay si cilmi ah uga faalloodeen qiimaha buugga iyo aqoonta uu xambaarsan yahay, waxayna qoraaag Dr. Afrax ku ammaaneen sida farshaxannimada leh ee uuu qoray, iyaga oo caddeeyay in ay buugaas wax badan ka kororsadeen intii ay soo akhrinayeen.

Aqoonyahannadaasi waxay wada qireen in uu yahay buug laga heli karo aqoon mug weyn, dhaqan fac-weyn iyo taariikhda xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya seddexda waddan ee kulaala Gacanka Cadmeed. Xeeldheerayaasha qaarkood waxay soo jeediyeen in buugaas lagu daro manhajka waxbarashada, isla markaana la dhigo maktabadaha iyo goobaha aqoon-faafinta.

Gaba-gabadii munaasabaddaasi ayaa qaar ka mid ah ka qeyb-galayaashii bandhiggaasi waxa ay su’aalo weydiiyeen qoraha buugga, iyada oo uu uga jawaabay si waafi ah.

Munaasabaddaasi ayaa ku soo dhammaatay jawi aad u xiisa badan iyo saxiix qoraagu buuggiisa u saxiixay dad fara badan oo iibsaday iyo qaar uu hadiyad u siiyey.