Buuggani  wuxuu Daah-furayaa sil-silad la magac baxday taxanaha  afka iyo suugaanta  Soomaalida, waa guul cusub oo u soo hoyatey  Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga  (AGA), ujeedadii laga lahaa soo saarista buuggani ayaa ku qotonta  dhiira galinta, taageerida iyo horumarinta dadaalka cilmiyeed ee ku wajahan darsida iyo faafinta aqoonta ku saabsan afka, suugaanta iyo sooyaalka Soomaalida oo ay ka mid tahay taariikhdooda.

Nuxur ahaan Buuuggani  wuxuu xambaarsan  yahay dhawr iyo toban qoraal cilmiyeed oo lagu darsayo afka Soomaaliga iyo suugaantiisa, waa daraasado ka dhashay cilmi baaris ay si qoto dheer uga soo shaqeeyeen xeel-dheerayaal kala duwan oo badankood safka hore kaga jira horumarka xeel-dheerayaasha ku caan baxay qoraalada noocaan oo kale ah.

Cilmi baarista ku urursan Buuggani waa cilmi baaris ugub oo la hubo inay wax weyn  ku soo kordhin doonto aqoonta arimahaan la xiriirta, wax badana ay u faa’iideyn doonto qof kasta oo daneeya afka Soomaaliga, suugaantiisa iyo cilmiga afafka.

Buuggani qiimaha badan ayaa  lagu soo bandhigay munaasabadii xuska Afartan (40) guurada ee hirgalinta far Soomaaliga ee lagu qabtay Dalka Jabuuti intii u dhaxeysay 17-21-kii desember 2012-kii.

Saaxiib kasta oo xiiseynayo Buuggani  waxa uu ka  heli karaa Xarumaha cilmiga, Maktabadaha,  goobaha Aqoon faafinta iyo qaar ka mid ah Website-yada ay Soomaalidu leedahay,  si aad u horumariso afkaaga hooyo waa haboon inaad hal Buug ka heshaa  Afmaal oo ah taxane soo koobaya afka iyo suuugaanta Soomaalida.