Buugga Haybso Dhaqankaaga waa buuggii ugu horreeyey ee uu soo bandhigo Guddoomiyaha Aqalka sare Md. Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Buuggan oo aad loola dhacay ayaa waxa uu ka kooban yahay illaa 142 bog, waxaana uu si qoto dheer uga hadlayaa dhaqanka, luqadda iyo Hiddaha Soomaaliyeed ee ma-guuraanka ah.
Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ah qoraha buuggaani ayaa tilmaamay sababta uu qalinka ugu qaaatay inay tahay afkii hooyo ee Soomaaliga oo sii lumaya, isagoo intaas ku daray in Seddex arimood oo waa-weyn dartood inuu u qorey buuggaan, kuwaasi oo kala ah:-
1-Dhulkii Miiga oo laga soo guuray oo dadkii Soomaaliyeed ay u soo bateen magaalooyinka, taas oo uu sheegay inay hoos ay u dhigtay dhaqankii iyo afkii hodoonka ahaa ee Soomaaliyeed.
2-Magaalooyinka oo aad looga hadlo luqado shisheeye sida Englishka iyo Carabiga iyo kuwo kale, iyda oo uu sheegay inay dhaawaceen ku hadalkii afkeena Hooyo.
3- Dadkii Soomaaliyeed oo Qurba joog u batay oo saameyn weyn ku yeeshay lumida afka Hooyo ee Soomaaliga.
Soo saarista buugga Heybso Dhaqankaaga ayaa waxay ku soo beegmaysaa xilli daddaal weyn loogu jiro horumarinta Afka Soomaaliga, Akhriskiisa iyo Qoraalkiisa, waxaana la filayaa inuu waddada u xaaro dhiiri-gelinna uu u noqdo madax fara badan oo hayso macluumaad muhiim ah ummadda Soomaaliyeed.
Wallaal kasta oo xiisaynaysa buuggaan qiimaha badan ayaa waxay ka heli kartaa Xarumaha cilmiga, Maktabadaha, goobaha Aqoon faafinta iyo qaar ka mid ah Website-yada ay Soomaalidu leedahay.















