Magaca buugga la siiyey ee Habeen-eersi  waa halkudheg kooban oo ilqabad leh.  Gudbinaaya macna qotadheer oo saameyn leh. Waa halkudheg aad looga fiirsadey xulashadiisa. Waana halkudheg 100% ka tarjumaya dulucda sheekada farriinta ay gudbineyso. 

Marka la qiimeeyo muuqaalka sawirka ku xardhan gerbedka sheekada Waa farshaxan aad u qurux badan, oo hal-abuur fannimo ku dhisan. Aragtidiisanna soo jiidanaaya indhaha akhristaha. 

Waa farshaxan  heemaaliyey muuqaalka gerbadka sheekada. Waa farshaxan si toolmoon u fasiraya macna gudbinta halkudhegga magaca sheekada miisaan culusna u yeeley. Waanna farshaxan laga dheehan karo biyadhaca sheekada dhacdooyinkeeda.

Hab-bilowga Sheekada Habeen-Eersi. Waxa ay ku bilaabaneysaa sidan:

‘’Han iyo himilo wanaagsan oo ay ii qabto awgeeda ayey hooyadey iigu heestey Ubax. Aabbaheyna iigu wanqaley.’’  Waxaan ahay gabar ay aad u jecel yihiin xubnaha kala duwan ee qoyskoodu, tilmaam ahaan sheekadani waxa ay ku saleysan tahay hab-bilow toos xadfan.

Dhacda werinta sheekadu waxay ku socotaa:-  Gabar  da’dii hanaqaadka ku jirta oo qoyskoodu aad u jecel yahay loo hanweyn yahay, Higsaneysa nolol heer sare ah oo ku naallooto in gaarto oo mallaheedii beenoobey, kadib Markii ay ku dhacdey dabinnada ay dhigtaan Shabeel naagoodyada ugaarsada hablaha markaa kacey ee aan garaadkoodu weli si fiican bislaan loogu dowgaley.

 Hoga-tusaha Sheekada:- Waxa laga baran karno sheekada ‘’Habeen-Eersi.’’ Ee ay  ka hoga-tusaaleyneyso bulshada.  Iimaha ay leedahay ee u baahan in laga saxo ee daran aayaheeda danbe. Ee ay sheekadu iftiimineyso si  ay ugu baraarugaan bulshada oo ay dib u saxaan surma-seegtada gefafkooda.

 In kastoo ay farabadan yihiin waxyaabaha lagu ammaani karo Sheekada Habeen-Eersi  Ayaa haddana waxaa akhristaha soo jiidan karo Quruxda falsafadeed ee Sheekada iyo qotadheerida figradeedeed  ay ku dhisan tahay iyo sida leysugu sargooyey

Buuggaasi  qiimaha badan ayaa waxaa qortay qoraa Dayax Axmed Iley oo ah gabar da’ yar oo ka tirsan bahda Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), buuggaani oo lagu soo bandhigay goobo kala duwan oo ka mid ah wadanka Soomaaliya ayaa waxaad ka heli kartaa Rugaha buuggaagta, Maktabadaha iyo Xarumaha cilmiga iyo aqoon faafinta.