Xaflad si weyn loo soo agaasimay, looguna tallaggalay qalinjabinta dufcaddii labaad ee ka baxda kulliyadda afafka iyo suugaanta ee jaamacadda Green Hope, ayn ka soo qaybgaleen Wasiirro, Xildhibaanno, Agaasimayaal, aqoonyahanno, maskaxmaal Soomaaliyeed iyo marti sharaf aad u fara badan ayaa shalay oo ku beegneyd 6/8/2025, waxa ay ka dhacday xarunta Tiyaartarka Qaranka ee magaalada Muqdisho.
Agaasimaha waxbarashada ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga C/qaadir Cabdi Axmed (Jubba) oo munaasabadaas ka qaybgalay ayaa sheegay Akademiyada AGA inay soo dhaweynayso ardaydaas dhammaysay waxbarashada kulliyadda afafka iyo suugaanta ee jaamacadda Green Hope, waxuuna kula dardaarmay ardaydaas inay hiil u noqdaan af Soomaaliga, isagoo dhanka kale, dawladda Federaalka ka codsaday inay u hawlgasho sidii uu af Soomaaliga ugu soo laaban lahaa meeqaamkii uu ku lahaa dhinacyada maamulka dawladda iyo waxbarashada.
Ardaydaas ka qalinjabinay kulliyadda afafka iyo suugaanta ee Green Hope ayaa waxay qayb ka ahaayeen boqollaal arday oo sannadka 2025, ka qalinbadashay kulliyadaha kala duwan ee jaamacadaas.

















