Wasiiradda dhaqanka ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa si heer sare ah u soo dhawaysay guddoomiye Siciid iyo kuxigeenkiisa Md. Ismaaciil.
Soo dhawaynta kaddib, guddoomiye Saciid ayaa marka hore wasiiradda sharraxaad ballaaran ka siiyay qaabdhismeedka AGA, hawlaha ay qabato iyo horumarka ay gaartay labadii sano ee uu hoggaanka hayay. Wuxuna aad ugu dheeraaday mashaariicda hay’adda u yaal labada sano ee haray, isaga oo si cad u sheegay inay ka go’an tahay fulinta qorshaha AGA ee horumarinta af Soomaaliga.
Guddoomiye Macallin Saciid Saalax, waxa uu intaa ku daray dawladda Jabuuti oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar inay gacan weyn oo hagarla’aaneed ka geysatay xaqiijinta himilooyinka AGA, isagoo si aad ah uga mahadceliyey inay Jabuuti si toos ah u soo gaarsiisay Akademiyada qayb ka mid ah miisaaniyaddii ay Akademiyaddu ku shaqayn lahayd, taas oo wax weyn ka tari doonta dardargelinta hawlaha Akademiyada ee horumarinta af Soomaaliga.
Intaa ka dib, wasiiradda oo si wanaagsan ula socotay warbixinta guddoomiyaha ayaa ballanqaadday inay diyaar u tahay wax kasta oo hiil iyo hoo ah oo ay hay’addu u baahan tahay, waxayna u ballanqaadday inay siin doonto xarun ay Rugta Jabuuti ku shaqayso oo ku taal bartamaha caasimadda Jabuuti.
Kulanka, waxaa goobjoog ahaa; Idiris Muuse Axmed, la taliyaha wasiirka dhaqanka Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Faadumo Cabdi Ciise oo ah maamulaha dhaqanka ee wasaaradda dhallinta iyo dhaqanka ee Jabuuti.
Kulankaasi ayaa ku dhammaaday is afgarad iyo guul, waxaana lagu ballamay wada shaqayn buuxda.