Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA ayaa maanta oo ku beegan 24/09/2026, waxay qabatay barnaamij ku saabsan akhriswadareed loogu talaggalay xoojinta dhaqanka wax akhriska.
Agaasimaha Waxbarashada Akademiyada Cabdulqaadir Cabdi Axmed (Jubba) ayaa ugu horayntii soo dhoweeyay martida, wuxuuna ka warbixiyay kaalinta Akademiyada AGA ee dhiirrigelinta akhriska iyo hal-abuurka, isagoo caddeeyay inay Akdemiyadu ka go’an tahay caawinta bahda jecel wax akhriska & qoraalka.
Prof. Maxamed Cali Cumar Shiidow oo ah hormuudka kulliyadda afafka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa barnaamika furay, wuxuuna si qotadheer uga hadlay muhiimadda uu leeyahay akhriswadareedka, isagoo tilmaamay in akhriswadareedka uu qayb ka yahay dhaqanka ummadda Soomaaliyeed.
Intaas kaddib, waxaa la gudagalay in si wadajir ah loo
akhriyo buugga Baadigoobka Nabadda Geeska Afrika, iyadoo dhammaan ka qaybgalayaasha ay wada akhriyeen qaybo ka mid ah cutubyada uu ka kooban yahay buugaasi.
Wajigii 2aad ee barnaamijka, waxaa lagu qaatay Gorfaynta buugga “Seeska Naxwaha” waxaana gorfayntaas soo bandhigay Maymuun Nuur Xasan & Xasan Cabdulqaadir Axmed oo labaduba soo akhriyay buugaasi.
Gunaanadkii barnaamijkaasi ayaa ka qaybgalayaashu, waxay turxaanbixin
& su’aalo ku dareen gorfaynta buugga, waxayna soo bandhigeen doodaha ka jira naxwaha af Soomaaliga iyo faallooyin ku saabsan buugga iyo gorfayntii la soo bandhigay, taasoo barnaamijka siisay muuqaal aqooneed quruxbadan.
Barnaamijka waxaa xiray Mr. C/qaadir Jubba, isagoo u mahadceliyay martida, kuna dhiirrageliyay inay xarunta yimaadan, ayna ka qaybqaataan barnaamijyada lagu qabto xarunta ee lagu konciyo aqoonta & fikirka horumarinta af Soomaaliga.

















