Munaasabad loogu talagalay bandhigga buuggii caanka ahaa ee uu qoray Alle ha u naxariistee qoraagii weynaa Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa lagu qabtay halka loo yaqaanno Oxford House oo sannad walba lagu qabto Toddobaadka Soomaalida.

 Bandhigga buugaasi oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeybgalay qaar ka mid ah saaxiibbadii Dr. Afrax, sida Macallin Siciid Saalax, Rashiid Sh. Cabdillaahi (Gadhweyne), Maxamed Xasan Alto, Faarax Gabuute, Martin Orwen, Maxamed Xirsi Guuleed, Saynab Aaden Sharci, Cabdiraxmaan M. Abtidoon iyo qaar kaloo badan.

Buugga Maana Faay oo geyiga Soomaalida aad looga yaqaan ayaa horey waxaa loo daabacay dhowr  jeer, isagoo ku qoran Soomaali hase yeeshee haatan waxaa lagu guuleystay in lagu tarjumo afka Ingiriisiga, iyada oo soo bandhigiddiisu ay aad uga soo qeyb galeen Soomaali fara badan.

Mahadi ha ka gaartee, Maana Faay-da Ingiriisiga ah, waxaa tarjumay aqoonyahan Axmed Ismaaciil Yuusuf, balse waxaa tafaftirtay soona bandhigtay Muna Maxamed Daahir Afrax, waxayna ka warrantay heerarkii ay soo martay tarjumidda buugga oo in badanba la sugayey, iyada oo dhinaca kale iftiimisay sida uu aabbaheed mar walba ugu taagnaa horumarinta afka iyo qoraalka.