Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ayaa 30-kii November 2022, waxa ay soo gabagabaysay tartan la xiriira dhinaca gabayada oo ay u qabatay dhallinyarada waxbarashada ee Gobolka Mudug.
Guddiga Garsoorka Tartanka Gabayada ee Dhallinyarada Gobolka Mudug ee magaalada Gaalkacyo ayaa si rasmi ah u shaaciyay natiijada kama danbaysta ah ee ay soo saareen guddigaasi oo maamulayay tartankaasi.
Lixda maansayahan ee ku guulaystay kaalimaha ugu sarreeya ee tartanka ayaa ku guulaystay abaalmarinno kala duwan, waxayna kala yihiin:-
-
Burhaan Cawil Maxamed, oo 27 sano jir ah, ayaa ku guulaystay kaalinta koowaad ee tartanka, waxaana uu helay abaalgud lacageed oo ah $300.
-
Fartuun Axmed Sugulle, oo 33 sano jir ah, ayaa waxay ku guulaysatay kaalinta labaad ee tartanka iyo abaalgud lacageed oo ah $250.
-
Shamso Cali Xaashi, oo 35 sano jir ah, ayaa waxay ku guulaysatay kaalinta saddexaad ee tartanka iyo abaalgud lacageed oo ah $200.
-
Khaliif Ciise Abti-doon, oo 32 sano jir ah, ayaa wuxuu ku guulaystay kaalinta afraad ee tartanka iyo abaalgud lacageed oo ah $150.
5-Xalane Cabdulqaadir Sh. Jaamac, oo 27 sano jir ah, ayaa waxa uu ku guulaystay kaalinta shanaad ee tartanka iyo abaalgud lacageed oo ah $100.
-
Maddar Cabdullaahi Maxammed, oo 35 sano jir ah, ayaa waxa uu ku guulaystay kaalinta lixaad ee tartanka iyo abaalgud lacageed oo ah $100.
Wakiilka Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ee Galmudug Abwaan Cali-deeq Maxamed Xaashi ayaa sheegay guulaystayaashaasi in dhawaan xaflad ballaaran oo lagu guddoonsiin doonno abaalmarinnadooda lagu qaban doono magaalada Gaalkacyo.


















