‘Adduunyadu macallin la’aantiis agoon bay ahaan lahayd’
Oraah Soomaaliyeed,
Iyadoo la qabta munaasabadda maalinta macallinka, heer caalami, kuna beegan 5ta Oktoobar, oo adduunkoo dhan looga dabaaldego, ayay haddana Soomaalidu si gaar ahaaneed ugu maamuustay, macallimiinteeda, 21 Nofember.
21 Nofember waa maalinta si gaar ah loo muuneeyo, macallimiinta Soomaaliyeed. Munaasabaddan, 48 guuradan, waxay dawladdii Soomaaliya astaysay, sannadkii 1974-kii oo illaa maanta loo dabaaldego.
Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga oo xusta maalmaha iyo munaasabadaha afka iyo aqoonta la xiriira, sida: maalinta afka, maalinta buugga, maalinta akhris-qoris la’aanta, waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa, dhammaan macallimiinta Soomaaliyeed. Iyadoo ku bogaadinaysa, macallimiinta, siday kaalintooda aqoon kobcineed ugu jiraan, mar kastaba.
Macalinkeen Allow kaal
Macalinkiis Allow kaal
Mid kale Allow kaal
Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)















