Munaasabad ay soo abaabuleen ururka qorayaasha qaaradda Afrika, looguna talagalay in bilad lagu guddoonsiiyo Madaxweynaha Jabuuti ayaa 6/11/2022, waxaa lagu qabtay xarunta dalka Jabuuti ee magaalada Jabuuti.
Xafladaasi oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa ururka qorayaasha Afrika, waxa uu bilad ku guddoonsiiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Geelle, iyaga oo Madaxweyne Geelle ku bogaadiyay doorkiisa hagar la’aaneed ee ku aaddan dhiirrigelinta qalinleyda iyo guud ahaan arrimaha akhriska iyo qoraalka.
Madaxweynha Jabuuti ayaa ah saaxiibka koowaad ee bahda afka, dhaqanka, suugaanta, qalinleyda iyo guud ahaan aqoonyahanka ku hawlan aqoon faafinta.















