Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada shirweynaha AGA iyo xuska konton guurada qoraalka farta Soomaaliga, Prof Cabdalla Cumar Mansuur ayaa shalay oo ku beegneyd 29/10/2022, waxa uu ka guddoomay Md, Warsame Yaasiin Cusmaan Keenadiid, makiinaddii ama taybkii (type) lagu qori jirey fartii Cusmaaniyiinta.

Munaasabad kooban oo lagu maamuusayay wareejinta makiinadaasi, ayna ka soo qeybgaleen madaxda Akadeemiye Goboleedka, xubno ka mid ah ehelladii Yaasiin Cusmaan Keenadiid iyo marti sharaf kale ayaa lagu qabtay xarunta Akadeemiyada ee magaalada Muqdisho.

Prof Cabdalla Mansuur oo hadal kooban halkaasi ka soo jeediyay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in AGA lagu soo wareejiyo  makiinaddii ay ku shaqeyn jireen goosankii afka & suugaanta ee SYL, isaga oo u mahadnaqay ehellada Yaasiin Cusmaan Keenadiid oo xafiday makiinadaasi taariikhiga ah.

Warsame Yaasiin Cusmaan Keenadiid oo si rasmi ah ugu wareejiyay makiinadaasi Akadeemiye Goboleedka ayaa sheegay in ay AGA tahay meesha kaliya ee u qalanta in la dhigo makiinadaasi taariikhiga ah, waxaana uu dhanka kale soo dhaweeyay dadaalka ay Akadeemiyadu ugu jirto hiilka afka Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa.

Ammaan iyo bogaadin waxaa mudan ehellada Yaasiin Cusmaan Keenadiid oo gacanta ku hayay makiinadaasi qadiimiga ah ee lagu soo wareejiyay Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliiga.