Carwo buugeed loo bixiyey ‘bandhigga buugaagta Nugaal iyo hal-abuurka dhallinyarada, ayna ka qeybgalayaan Qorayaal iyo hal-abuurro suugaaneed oo ka kala yimid gobollo kala duwan ayaa 19 October 2022, waxa ay ka bilaabatay magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.
Carwadaasi oo socon doonto laba maalmood ayaa si rasmi ah waxaa u furey Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana uu ugu horeyntii sheegay in ay xukuumaddiisu muhiimad gaar ah siinayo kobcinta afka, dhaqanka, qoraalka iyo akhriska.
Madaxweyne Deni ayaa qorayaasha ku boorriyey in xoogga la saaro tarjumaadda oo af Soomaali lagu qoro aqoonta ku qoran afafka qalaad. Isaga oo arrinkaas faahfaahinayana waxaa uu yidhi,
“Waxaan dhiiri gelinayaa tarjumaadda. In aad Afkaaga wax ku aqrisid waxaa ay ka fiican tahay in aad af kale oo aad taqaanid aad wax ku akhrisid, maxaa yeelay saameynta ay kugu yeelanayso marka aad afkaaga wax ku akhrinaysid way ka duwan tahay luqadaha kale marka aad wax ku akhrinayso.
Marka in cilmiga iyo aqoonta faraha badan ee adduunku nagaga horreeyo aan ku soo tarjunno afkeenna hooyo ayaan dhiirri gelinayaa. Da’yartu marka ay bartaan akhriska iyo qorista haddii afkooda hooyo aqoonta loogu tarjumo way u fududahay in ay akhriyaan. Laakiin in ilmuhu luqad qalaad barto oo markaa ka dib uu wax ku akhriyo waqti badan bay taasi ka qaadanaysaa.”
Madaxweyne Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa furitaanka bandhigga kaga dhawaaqay in xukuumaddiisu ay samaynayso makatabad dadweyne oo Puntland yeelato, taas oo noqonaysa hay’ad dawladdeed, Puntland oo dhanna laga hirgelin doono, maktabaddaas oo yeelanaysa guddi maamul iyo shaqaale.
Madaxweynaha ka hor, waxaa halkaasi ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan iyo qaar ka mid ah aqoonyahannadii lagu martiqaaday carwadaasi.















