Kulan aan caadi aheyn oo ay yeesheen guddiga fulinta Somali Pen ee laanta Muqdisho, loogana hadlayay sidii loo buuxin lahaa xilka guddoomiyaha laantaas, ayaa maanta oo ku beegan 20/10/2022, waxaa lagu qabtay xarunta Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ee magaalada Muqdisho.
Falanqeyn iyo Wadahadal dheer kadib, waxa ay xubnaha guddiga fulinta ee laanta Muqdisho ee Somali Pen ay isku raaceen in xilka guddoomiyaha laantaas ay si ku meel gaar ah u sii wado guddoomiye ku xigeenkii laantaas Marwo Dahabo Shiikh Maxamuud.
Doorashadaasi kadib, hadal kooban ay halkaasi ka soo jeedisay guddoomiyaha la doortay ayaa sheegtay in ay soo dhaweynayso xilka loo igmadey, waxaana ay ballanqaaday in ay si caddaalad ah ay ugu adeegi doonto naadigaas, iyada oo codsatay in gacan lagu siiyo waajib gudashadeeda.
Horey, waxaa xilka guddoomiyaha laantaas u hayay Allaha u naxariistee marxuum Cabdinaasir Yuusuf Macallin oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho.















