Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, laguna  maamuusayay daahfurka Bandhigga Buugta Banaadir, ayna ka soo qeyb-galeen Wasiirro, Xildhibaanno, Guddoomiyaha G/Banaadir, Taliyaha  Boliiska, madaxda naadiyada akhriska iyo qoraalka, ehelada afka, dhaqanka iyo hal-abuurka, qorayaal iyo marti sharaf aad u badan ayaa maanta oo ku beegan 3/8/2021, waxa ay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha G/Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo si rasmi ah u daah-furey bandhigaasi ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo qabashada carwadaasi, waxaana uu caddeeyay in masuuliyad gaar ah la iska saaro hiilka iyo xoojinta Afkeena Hooyo, isaga oo u mahadnaqay golaha midowga qorayaasha Soomaaliyeed oo isku soo duway bandhigaasi.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cismaan Abuukar Dubbe, Guddoomiye Ku-xigeenka G/Banaadir ee arimaha bulshada Basma Caamir Jakeeti iyo Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdi-rashiid Maxamed Xaashi oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin ka soo qeybgalka bandhigaasi, waxaana ay midowga qorayaasha ku bogaadiyeen suurta-galinta bandhigaasi qiimaha badan.

Sidoo kale, waxaa xafladdii furitaanka bandhigaasi ka hadlay Guddoomiyaha midowga qorayaasha Soomaaliyeed Cali Suudi Nageeye, La-taliyaha midowga qorayaasha Luul Caraweelo Kulmiye iyo madaxa xiriirka bulshada midowga qoraayaasha Soomaaliyeed Yaxye Daahir Colow, kuwaasi oo ka warbixiyay dadaalkii loo soo galay qabashada bandhigaasi, iyaga oo soo dhaweeyay madaxdii, qorayaasha iyo marti sharaftii carwadaasi ka soo qeybgashay.

Munaasabaddii furitaanka bandhigaasi  kadib, waxaa halkaasi ka bilowday buug jeedin iyo dood cilmiyeedyo ay ka qeyb-qaadanyeen qorayaal iyo aqoonyahanno kala duwan, iyada oo bandhigaasi ay heeso iyo gabayo ay ka soo jeediyeen abwaanno, fanaanniin iyo ubaxa Kuleejada degmada Boondheere.

Bandhigaasi oo socon doono 3, 4, 5 bisha Agoosto 2021 ayaa maanta oo aheyd maalintii koowaad waxa uu ku soo dhammaaday si milgo iyo sharaf leh, iyada oo intii uu socday bangdhigaasi ay dadku iibsadanayeen buugaagtii la keenay carwadaasi.

Waa markii labaad ee bandhigaasi lagu qabto magaalada Muqdisho, waxaana soo agaasimay midowga qorayaasha Soomaaliyeed.