Carwadii buugaagta ee ka socotay magaalada Hargeysa intii u dhaxaysay 24-29/7/2021, ayna ka soo qeyb-galeen masuuliyiin kala duwan, aqoonyahanno, qorayaal, abwaanno, ajaaniib iyo marti sharaf aad u fara badan ayaa si rasmi ah waxaa loogu soo gabagabeeyay isla magaalada Hargeysa maalintii Khamiista aheyd.
Bandhigaas oo ahaa midkii 14-aad ee lagu qabto magaaladaasi ayaa intii uu socday waxaa lagu soo bandhiggay buugaag aad u badan, dooddo, cayaarro ka tarjumayay hidaha iyo dhaqanka, waxaana soo qaban-qaabisay xarunta dhaqanka ee Hargeysa.
Intii uu socday bandhigaasi ayaa waxaa hadallo ka soo jeediyay madaxdii lagu casuumay iyo qorayaashii ka soo qeybgalay carwadaasi.
Bandhigaasi ayaa waxa uu ka mid yahay bandhigyo badan oo sannad walba lagu kala qabto magaalooyin ka tirsan dhulalka ay degto Soomaalida.















