Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa maanta oo ku beegan 20/7/2021, ahna maalinta koowaad ee Ciidda Carafo, waxa uu dhambaal hambalyo ah oo ku saabsan munaasabadda Ciidul Alxaaga darteed uu u direy guud-ahaan shucuubta islaamka ah, gaar-ahaan ummadda Soomaaliyeed.
Dr. Afrax ayaa shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u rajeeyay in ay ku ciidaan farxad, caafimaad iyo nabad, waxaana uu dadka Soomaaliyeed ku dhiiri-geliyay in la caawiyo dadka tabarta yar, si ay uga qeyb-qaataan maalmaha farxadda Ciidda.
Ugu danbayntii, Guddoomiyaha AGA waxa uu Alle ka baryay in Ciiddaan Ciiddeeda kale uu ummadda Soomaaliyeed ku gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo.















