Munaasabad lagu maamuusayay xuska toddobaadka dhaqanka Puntland, ayna ka soo qeyb-galeen Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Wasiirro, Xildhibaanno, madaxda dhaqanka, masuuliyiin ka socotay haweenka iyo dhallinyaro ku labisneyd dharka dhaqanka ayaa xalay oo ku beegneyd 7/6/2021 waxaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta Puntland ee magaalada Garowe.
Xafladdaasi oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugaan ka tarjumaysay qiimaha dhaqanka iyo qaar ka mid ah cayaaraha hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, waxaana halkaasi laga soo jeediyay khudbaddo la xiriiray arimaha dhaqanka, iyada oo halkaasi laga caddeeyay in ay waajib tahay sida Dastuurka loo ilaaliyo in dhaqankana loo ilaaliyo.
Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dhaqanka Puntland, C/llaahi Cali Xirsi (Tima-cade) oo ka hadlay munaasabaddaasi ayaa sheegay in loo baahan yahay in la soo nooleeyo dhaqankii hore, maadaama uu sii dabar go’ayo, waxaana uu tibaaxay in Wasaaradiisu ay ka go’an tahay ururinta qeybaha kala duwan ee dhaqanka, isaga oo ku baaqay in loo hawl-galo sidii loo qori laahaa sooyaalkii hore ee dhaqanka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Garaash) oo soo xirray xafladdaasi ayaa sheegay Puntland in ay xoogga saari doonto soo nooleynta dhaqanka, waxaana uu ku nuux-nuuxsaday in aan Dawladdu waxba ka hagaran doonin soo nooleynya dhaqankii Soomaaliyeed, isaga oo Wasaaradda Warfaainta ku bogaadiyay dadaalka ay ugu jirto soo nooleynta dhaqankii Soomaaliyeed.
Sannad walba ayaa xilligaan oo kale waxaa Puntland lagu qabta toddobaadka dhaqanka Dawlad-Goboleedkaasi.















