Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa maanta oo ku beegan 9-Luulyo 2018-ka waxa ay tababbar ku saabsan Habaynta Qoraalka u qabatay Konton xubnood oo ka tirsan dhallinyarada Soomaaliyeed ee jecel akhriska iyo qoraalka afka Soomaaliga
Gudoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomalaiga Prof. Maxam,ed Daahir Afrax oo khudbad ka soo jeediyay furitaankii tababbarkaasi ayaa sheegay inuu tababbarkaan ka mid yahay tababbarro taxane ah oo ay Akadeemiyada ugu tala-gashay turxaan-bixinta qorista afka Soomaaliga, waxaana carrabka ku dhuftay inuu bulshada ku baraarujinayo inay masuuliyad gaar ah iska saarto sidii loo sixi lahaa adeegsiga dhigaalka afka hooyo.
“Qoraalka afka Soomaaliga tayeyn badan ayuu u baahan yahay, higaada qoraalka ayaa inta badan la qaldaa, nasiib-darro waxaa la fuddudeystaa Shibanayaasha labba-laabma, Shaqalada dhaa-dheer iyo Astaamaha uu afku leeyahay, cawaaqib xumo ayaa ka dhalan karta haddii aan xil gaar ah la iska saarin ereyga qoran ee afka hooyo” ayuu yiri Prof. Afrax oo hoosta ka xariiqay sumcadda qofka inay ku xeran tahay haddba sida uuu u hagaajiyo qoraalkiisa.
Mar uu ka hadlayay masuuliyada Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ayaa sheegay inay Aga u taagan tahay daryeelka, nooleynta iyo hiilka afka Soomaaliga, waxaana uu intaasi raaciyay inay Akadeemiyadu ka go’an tahay qaabkii afka hooyo loogu soo celin lahaa maqaamkii uu ku lahaa qaranka Soomaaliyeed, isagoo soo jeediyay in loo hawl-galo sidii afkeena halista looga badbaadin lahaa.
Madaxa Horumarinta Xarunta Ifiye Sakariye Cali Gureey oo isna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay tababbarka ay Aga siinayso hawl-wadeenada iyo dhallinyarda ku xeran xaruntooda, waxaan uu tibaaxay in wax badan laga faa’iidaysan doono tababbarkaasi, isagoo dhinaca kale u mahad celiyay Akadeemiyada oo isku soo duwday tababarkaasi.
Furitaankii munasabadaasi kadib waxaa halkaasi ka bilowday casharo ay bixinayeen Macalimiiin ka tirsan Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, kuwaasi kala ahaa Prof. Mustafa C/laahi Feyrus iyo C/laahi Sheikh (Gacanka), duruustaasi oo aad loola dhacay ayaa ku kala saabsanaa Daleynta Qoraalka iyo Habeynta Qoraalka Hadalka.
Gunaanadkii tababbarkaasi waxaa ka hadlay Ku-simaha Gudoomiayaha Golaha Abwaanada Soomaaliyeed Abwaan Xersi Dhuux Maxamed oo sheegay inuu la dhacsan yahay is xilqaanka ay Aga samaynayso, waxaana uu codsadey in la joogteeyo tababbarada noocaan oo kale ah, isagoo u mahad celiyay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga oo saminraakaasi soo qaban qaabisay.
![]()













