Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka Puntland ayaa sheegtay, in ay dib u eegis ku samaynayso magac-bixinta meheradaha iyo qoraallada looxyada, si loo ilaaliyo Af-Soomaaliga.

War kooban oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Puntland, laguna faafisay boggeeda Faysbuugga ayaa lagu yiri:

“Wasaaradda Warfaafinta Dawladda Puntland waxa ay bulshada ogeysiinaysaa dib u eegis lagu samaynayo magac-bixinta meheradaha iyo qoraallada boorarka, si loo ilaaliyo Afka Soomaaliga.”

Wasaaradda ayaa horay u soo saartay Xeerka Ilaalinta Afka Soomaaliga.

Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) oo u xil-saaran daryeelka, nooleynta iyo hiilka afka Soomalaiga ayaa soo dhaweysay talaabadaasi, waxayna Wasaaradda ku bogaadisay dadaalka ay ugu jirto xoojinta afka Soomaaliga, iyada oo tallaabadaas ay Wasaaraddu qaadatay ay horumar iyo horukacba u tahay, halgankii loogu jiray hiilka afka hooyo.