Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa ugu hambalyeeyay guud ahaan ummaddaha islaamka ah, gaar ahaan shacbiga Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga awgeed, taasi oo dunida muslimka oo dhan si isku mid ah looga wada dabaal-deggayo farxadda ciiddaas.

Dr. Maxamed Daahir  ayaa Alle uga baryey ummadda Soomaaliyeed in uu ka aqbalo soonkii iyo cibaadadii wanaagsanayd oo ay soo guteen intii lagu guda jiray bishii barakaysnayd ee Ramadaan, isaga oo u rajeeyay in sannadkaan, kiisa kale uu ku gaarsiiyo nabad iyo horumar.

Guddoomiyaha AGA ayaa kula dardaarmay dadka Soomaaliyeed farxadda Ciidul Fidriga darteed in uu qof kasta gacan ka geysto farxad-gelinta dadka tabarta-yar.

Ciidda loo yaqaanno Ciidul Fitriga ayaa waxay ka mid tahay labada ciiddood ee uu Alle siiyay ummaddaha Islaamka ah.