Muqdisho, caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa 10-kii Abriil lagu daahfuray, falanqaynna loogu sameeyay buugga, Jidkii Loo Soo Maray Falsafadda Runta Ah, oo sannadkii hore mar labaad ka soo baxay shirkadda Hiil Press, Hargeysa.

Buuggan oo markii kowaad soo baxay 1977kii waxa qoray Maxamuud Cabdi Dhunkaal, haddana waxa dib u soo saaray, hubiyay oo habeeyay naska hore, hordhacyo u sameeyay, sharraxaadna ku daray Cabdillaahi Raage oo ku magacdheer Sayidka.

Kulanka oo uu soo agaasimay Golaha KASMO, kana qabsoomay xarunta Maktabadda Raagsan waxa goobjoog ka ahaa Cabdillaahi Raage (Sayidka) oo ka falcelinayay weydiimaha daadiyaha, Cumar Cali Baashe, iyo ka sooqeybgalayaashaba.

Cumar ayaa ku furay kulanka soo koobid iyo falanqayn uu buugga ku sameeyay. Ka dib waxa loo gudbay qeybta weydiimaha oo daadihiyaha iyo dadweynuhuba u jeedinayeen Cabdillaahi Raage (Sayidka).

Gabagadii, munaasabaddu waxa ay ku soo xirantay buug saxiixid uu Sayidku ugu saxiixayay dadweynaha ka gatay buugga goobta iyo kuwa soo qaatay nuqulladooda ay maktabadaha kale ka gateenba.

Waxa lagu sifeeyay buuggan midka ugu caansan buugaagta af Soomaaliga ku qoran ee ka hadla falsafadda iyo hordhaca ugu fudud ee qof falsafadda ka akhriyi karo, sida uu Sayidku hadalka u dhigay.