Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa ugu hambalyeeyay guud ahaan muslimiinta caalamka, gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan.
Dr. Afrax ayaa iftiimiyay kheyrka iyo fadliga ay leedahay bisha Ramadaan, waxaana uu Alle ka baryey in uu naxariis iyo nimco ku manneysto shacbiga Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ayaa ku guubaabiyay dadka Soomaaliyeed in ay is-cafiyaan oo ay u kaalmeeyaan walalaahooda dan-yarta ah, maadaama ay jiraan dad badan oo tabar yar ah, una baahan in la caawiyo.
Berri oo ku beegan 13-ka Abriil 2021 ayaa nooqnaysa maalintii koowaad ee bisha Ramadaan ee sannadka 1442 ee Hijriyadda Islaamka.














