Xaflad si weyn loo soo agaasimey, luguna maamuusay Xuska maalinta caalamiga ah ee Afka hooyo, ayna si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen wakiilka AGA iyo Akeedimiyada Horumarinta Afka Af-Soomaaliga, ayaa 21/2/2021 waxaa lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ee Hargaysa.

Furtitaankii munaasabaddaasi waxaa ka hadlay wakiilka AGA Soomaliland Ismaaciil Aw Aadan (Jaajuumow) oo ka sheekeeyay sida uu ku yimid xuska maalinta caalamiga ah ee afka hooyo, waxaana uu iftiimiyay dadaalka ay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ugu jirto daryeelka iyo nooleynta afka hooyo.

Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed oo isna ka hadlay xafladdaasi ayaa sheegay dhaqanka iyo afku inay isku xidhan yihiin,isaga oo tilmamay iney habboon tahay in dawlad iyo shacaba la iska kaashado sidii wax looga qaban lahaa afka hooyo.

Wasiir hore Cabdilaahi Cukuse oo isna munaasabddaasi ka hadlay ayaa ammaanay qoraalkii afka Soomaliga iyo hirgelintii qorista farta Soomaliga iyo go’aankii Maxamed Siyaad Barre. Sidoo kale waxa uu ammaanay doorka iyo kaalinta muuqata ee uu kaga jiro soo noolaynta iyo tayeynta afka Soomaliga Mudane Ismaaciil Cumar Geele Madaxwaynaha Jamhuuruyada Jabuuti.

Cabdilaahi Cukuse ayaa xukuumada Soomaliland xasuusiyay in ay masuul ka tahay afka iyo hal-abuurkiisa , sidaasi daradeedna ay waajib ku tahay iney ilaaliso, waxaana uu dhanka kale ka digey halista ganacsatadu ay afka Soomaliga ku hayaan, iyadoo meel kast a oo ganacsi u furan 98% ay ku qoran yihiin afafa kale, waxaana uu soo jeediyey inaan meherada aan afsoomali wadan la siinin ogalaansho ganacsi.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Soomaliland Axmed Maxamed Diiriye oo soo gunaanaday munaasabaddaasi ayaa halkaasi halkaasi ka soo jeediyay khudbad dheer, waxaana uu si qoto dheer uga hadlay ujeedooyinkii lagu asaasay AGA, shirkii Igad iyo Jabuuti ka dhacay, isaga oo dhinaca kale caddeeyay in afsoomaligu uu ka dhaxeeyo ummada ku hadasha oo dhan, loona baahan yahay in laiska-kaashado horumarintiisa iyo tayeyntiisa.

Waxaa Diyaariyay:
Ismaaciil Aw Aadan wakiilka AGA Soomaliland)