Buug cusub oo loogu magacdaray “Hardanka Garbaha Soomaaliya.” ayaa lagu soo bandhigay magaalo-madaxda dalka Masar ee Qaahira. Waxaa munaasabadda bandhigga buugga ka soo qayb-galay Xildhibaan Dalxa, madax ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar, Jaaliyadda, ururrada ardeyda, aqoonyahanno, bahda qalinlayda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Masar.

Ugu horrayn waxaa madasha ka hadlay Mudane Cabdicasiis Cartan oo ah qoraa cilmi baare “ in buuggu yahay buug muhiim ah marka laga fiiriyo dhinaca mowduucyada uu ka warramayo.” Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Cartan ku tiraabay “ buugga Dr.Ashkir uu daabacay waa mid kugu qasbaya hal fadhi oo qura in aad ku dhamayso akhrintiisa, waa buug uu si farshaxannimo leh uu u qoray.”

Waxaa madasha sidoo kale ka hadlay Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ah aqoonyahan si xeeldheernimo ah u yaqaan afka Carabiga. Xildhibaanku wuxuu aad u taageeray in Dr.Ashkir isagoo masuul ah; misana marnaba aanu sii dayn qalinka iyo wax qoriddaba.

Sidoo kale waxaa iyana madasha ka hadlay Maxamuud Gowgole u-qaabilsanaha dhaqanka ee safaaradda Soomaaliya ee Masar, Liibaan Deni, madaxa ururka ardayda Soomaaliyeed ee dalka Masar.

Buugga ayaa waxaa qoray Dr. Cabdifitaax Nuur Axmed (Ashkir) oo ah qoraa Soomaaliyeed. Wuxuuna ku qoran yahay afka Carabiga. Buugga cusub ee uu qoray Dr. Ashkir ayaa ka kooban saddex cutub oo kan ugu horreeya uu yahay faallo-siyaasadeed ku aaddan isbaddallada lixaadka leh ee dalka Soomaaliya iyo geeska Afrikaba ka socda. Halka cutubka labaad ee buuggu uu ka hadlayo dhaqanka.

Qoraagga buugga oo ah aqoonyahan daneeya dhaqanka ayaa kaga warramay buugiisa dhawr mowduuc oo ay ka mid yihiin : Ilaaliyaasha afka Soomaaliga iyo mid kaloo uu ugu magac-daray “ Gambool.. halgamaa Soomaaliyeed oo runta sheeg ahaa.”