Maanta oo ku beegan 17/02/2021 waxaa magaalada Jabuuti lagu qabtay kulan-aqooneed ku saabsan qiimaha afka hooyo iyo sida ay waajib u tahay in la badbaadiyo. Kulan-aqooneedkaas oo ahaa mid ku salaysan hal-ku-dhegga sannadkan ee ah ‘Afkaagu waa Aqoonsigaaga iyo ahaantaada’ qabanqaabadiisa waxaa iska kaashaday Naadiga Pen ee Qalinlyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed, Akadeemiyada-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) iyo Wasaaradda Arrimaha Islaamka, Dhaqanka iyo Awqaafta ee Jamhuuriyadda Jabuuti.
Kulankan oo ay ka soo qayb-galeen qorayaal, aqoonyahanno, suxufiyiin iyo bahda aqoonta waxaa erayo kooban ku furay Guddoomiyaha Naadiga Pen, Xaaji Ismaaciil Xuseen Taani, oo tilmaamay kulankani in uu qayb ka yahay taxanaha barnaamijyada loogu talagalay xuska bisha Afka hooyo.
Intaa ka dib waxaa hadalka lagu wareejiyey xeeldheereyaashii hormuudka ka ahaa gorfaynta mowduuca dood-cilmiyeedda, kuwaasoo kala ahaa, Dr. Maxamed Daahir Afrax, Danjire Maxamuud Dirir Geeddi, Dr. Aamina Nuux iyo Dr. Nimcaan Cabdillaahi Awrax.
Falanqaynta waxaa iba-furay Dr. Maxamed Daahir Afrax, Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, ahna Asaasihii Somali Pen, oo si cilmiyaysan u qeexay ujeedka kulan-cilmiyeedka iyo nuxurka mowduuca ku salaysan hal-ku-dhegga kor ku xusan. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday qiimaha afku u leeyahay ummadda iska leh, halista ku soo fool yeelatay AfSoomaaliga iyo baahida loo qabo in loo hawlgalo gurmad ummadeed oo lagu badbaadinayo afkeenna qiimaha badan. ‘Dhinacyada gurmadkaas xilku ka saaran yahay waxaa kow ka ah dowladaha, maamullada iyo xarumaha waxbarashada ee gayiga Soomaalida guud ahaan’ ayuu yiri Dr. Afrax.
Ka dibna waxaa mowduuca si weyn u sii falanqeeyey Danjire Maxamuud Dirir, Dr Amina Nuux iyo Dr Nimccaan Cabdillaahi oo dhammaantood dhinacyo kala duwan ka tilmaamay sida loogu hiillin karo afkeenna hooyo.
Ka dib su’aalo iyo jawaabo ay kulanka kaga qayb-galeen dadweynihii madasha fadhiyey, waxaa loo gudbay qaybtii labaad ee kulan-aqooneedka, taasoo ay hormuudka ahaayeen duqey dhaqan-yaqaanno ah, kuwaas oo madasha la wadaagey qiimihii afka hooyo ku lahaan jirey bulshada Soomaaliyeed dhaqan-ahaan.
![]()
![]()













