Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax iyo Wakiilka AGA ee dalka Jabuuti Dr. Nimcaan Cabdillaahi Qawrax ayaa 10/2/2021, waxaa wareysi gaar ah la yeeshay taleefishinka Jabuuti ee RTD, iyaga oo si faah-faahsan uga warbixyay taariikhda iyo horumraka la taaban karo oo ay samaysay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga
Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa si qoto dheer uga hadlay taariikhda Akadeemiyada, waxaana uu sheegay in ay AGA tahay xarun aqooneed loo abuuray daryeelka iyo horumarinta AfSoomaaliga iyo hal-abuurkiisa suugaaneed, isaga oo intaasi raaciyay in ay AGA tahay madal ay si madax bannaan u maamulaan gole ka kooban aqoonyahanno loo xulay ku xeeldheeridooda dhinacyada kala duwan ee AfSoomaaliga iyo suugaantiisa, kuna shaqeeya naf-hur ay ummadda si mutadawacnimo ah heegan ugu yihiin hiilka iyo horumarinta AfSoomaaliga.
“Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga waxaa lagu asaasay magaalada Jabuuti bishii Juun 2013. Aasaaskeeda waxaa keenay baraarug lagu baraarugay halis weyn oo ku soo fool yeelatay AfSoomaaliga oo ah astaanta jiritaanka ummadda Soomaaliyeed iyo haybta Soomaalinnimo” ayuu yiri Dr. Afrax oo dhanka kale sheegay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga in ay sannad walba abaabusho xuska 21 Febraayo oo ku astaysan maalinta caalamiga ah ee afka hooyo.
Guddoomiyaha AGA ayaa iftiimiyay muddadii ay jirtay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga in ay ku guuleysatey waxqabad la taaban karo oo isugu jirey wacyigalin, baraarujin, tababbaro, jiheyn, qabashada muxaadarooyin iyo dood cilmiyeedyo, ballaarinta madasha AGA, qabashada xafladdo lagu maamusayay xuska maalinta caalamiga ah ee afka hooyo iyo daah-furka buugaag kala duwan, abuuritaanka warbaahinta ku hadasha codka AGA, isku-xirka bahda afka iyo hal-abuurkiisa iyo shaqooyin kale oo waxtar weyn u leh horey u socodka hawlaha ay u xil saaran tahay Akadeemiyada.
Sidoo kale, Wakiilka AGA ee dalka Jabuuti oo qeyb ka ahaa wareysigaasi Dr. Nimcaan Cabdillaahi Qawrax ayaa ka sheekeeyay waxqabadka Akadeemiyada ee dhanka Jabuuti, waxaana uu tilmaamay in ay qabteen hawlo lagu faani karo, isaga oo carrabka ku dhuftay inay ka go’an tahay fulinta waajibaadka ay u xil saaran tahay AGA.
Wareysigaan ay bixiyeen Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) iyo Wakiilka AGA ee dalka Jabuuti ayaa ku soo beegmay xilli adduunka oo dhan looga diyaar-garoobayo xuska 21 Febraayo oo ku astaysan maalinta caalamiga ah ee Afka Hooyo.
![]()













