Jaamacadda Jabuuti ayaa 7/2/2021 waxa ay magaalada caanka ah ee Carta ay ku qabatay fadhi gaar ah oo looga hadlayay hiilka afka Soomaaliga iyo sidii ay wada-shaqeyn u yeelan lahaayeen Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga iyo Jaamacaddaha ku yaallo Geeska Afrika oo ay leedahay Soomaalida.
Fadhi cilmiyeedkaasi oo socday in ka badan seddex saacadood ayaa waxaa ka soo qeyb-galay madaxda jaamacadda Jabuuti oo kulankaasi soo abaabushay, Guddoomiyaha AGA iyo madaxda 21 Jaamacadood oo ku yaala Bariga Afrika.
Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa ugu horeyntii fadhigaasi ka soo jeediyay tallooyin dhaxalgal ah iyo xog-waran ku saabsan hodontinimada afka Soomaaliga, xaaladda uu iminka ku sugan yahay, khatarta ku hareeraysan iyo sidii looga wada-shaqeyn lahaa hiilka afka Soomaaliga.
Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa sheegay inuu afka Soomaaliga yahay astaanta iyo aqoonsiga lagu garto ummadda Soomaaliyeed, waxaana uu caddeeyay inuu ka mid yahay afafka ugu qiimaha badan adduunka, isaga oo intaasi raaciyay in uu afka Soomaaligu ka mid noqday afafka Jaamacaddaha caalamka lagu barto, isla markaana la darso taariikhdiisa, hodontinimadiisa, qoto dheeridiisa, suugaantiisa iyo hal-abuurkiisa.
Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ayaa u soo jeediyay madaxda jaamacaddihii ka soo qeyb-galay fadhigaasi in manhajkooda ay kaalin mug leh ka siiyaan af Soomaaliga iyo in ay wada shaqeyn la yeeshaan Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) isla markaana ay garab-galaan laamaha Akadeemiyada ee ka furan magaalooyinkooda.
Guddoomiyaasha jaamacaddihii ka soo qeyb-galay fadhigaasi ayaa sheegay in ay qadarin gaar ah u hayaan af Soomaaliga iyo Akadeemiyadiisa, iyaga oo balanqaaday in ay qeyb-qaadan doonaan dadaalka loogu jiro daryeelka afka Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa.
kulan cilmiyeedkaasi oo aad u xiiso badnaa ayaa ku soo gaba-gaboobay jawi aad u wanaagsan.















