Bandhigga Buugta Banaadir ayaa shalay oo ku beegneyd 4/2//2021-ka waxa uu Shahaado Sharaf qiimo badan uu guddoonsiiyay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA).
Shahaado-sharafataas ayaa Akadeemiye-Goboleedka (AGA) waxaa guddoonsiisay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquul Insaanka Dawladda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade), waxaana Akadeemiyada u guddoomay Qoraa, Macallimad Dayax Axmed Maxamed oo ka tirsan hawl-wadeenka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga.
Shahaado-sharaftaas ayaa waxaa ku qornaa in ay Akadeemiyadu ku mutaysatay dadaalkeeda, hawl-karnimadeeda iyo doorkii wanaagsanaa oo ay ka qaadatay qabsoomida Bandhiggii Buugta Banaadir oo maalintii shalay aheyd si rasmi ah loogu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho.
Horey ayaa Akadeemiye-Goboleedka AGA, waxaa Shahaadooyin, Biladdo iyo Abaal-marino kale u guddoonsiiyay hay’addo iyo shaqsiyaad kala duwan.















