Gudoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa munaasabad kooban oo ka dhacday magaalada Muqdisho waxa uu  haddiyad buug ah ku gudoonsiiyay Gudoomiyaha Aqalka Sare Md, Cabdi Xaashi C/llaahi.

Porf. Afrax oo ka hadlayay munaasabaddaasi  ayaa sheegay in buugga  la gudoonsiiyay Gudoomiyaha  Aqalka Sare  uu yahay mid aad u qiima badan, waxaana uu tilmaamay buuggaasi inuu  ka hadlayo Taariikh  noloeedkii iyo dhaxalkii cilmiyeed ee Danjire Shariif Saalax Maxamed Cali.

Gudoomiyaha  Aqalka Sare  Md, Cabdi Xaashi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay buugga dhaxal galka ah ee la gudoonsiiyay, waxaana uu caddeeyay  inuu buuggaasi wax badan ka korosan doono, isagoo u mahad celiyay Gudoomiyaha Aga oo buuggaasi u hibeeyay.

Buugga la gudoonsiiyay Gudoomiyaha  Aqalka Sare oo lagu magacaabo HALDOOR ayaa waxaa soo saarey Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, waxaana uu  ka mid yahay Taxanaha Darsida Afka iyo Suugaanta Soomaalida oo ujeedadiisu ay tahay dhiiri-galinta, taageerida iyo horumarinta dadaalka cilmiyeed  ee ku wajahan ururinta, darsida, kaydinta, fidinta iyo horumarinta af-Soomaaliga iyo hal- abuurkiisa fan iyo suugaaneed.