Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya Md, Cismaan Abuukar dubbad iyo Md, C/llaahi Shiikh Cali (Qaloocow) ayaa caddeeyay sannadka 2020-ka in ay Akadeemiye-Goboleedka (AGA) ay ku talaabsatay horumar iyo waxqabad la taaban karo.
Md, Dubbad iyo Md, Qaloocow ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan waxqabadka lagu faani karo oo ay samaysay Akadeemiye-Goboleedka AGA, iyaga oo xusay in ay ku faraxsan yihiin guulaha ay Akadeemiyadu ka gaartay dhinacyada hiilka afka hooyo, tababar-siinta dhallinyarada jecel akhriska iyo qoraalka, ku baraarujinta bulshada qiimaha uu leeyahay afkooda hooyo iyo isku xirka bahda dhaqanka, afka iyo hal-abuurka.
Wasiiradda ayaa balanqaaday in ay ka go’an tahay sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen taageerida adeegyada ay u xil-saaran tahay Akadeemiye-Goboleedka AGA, iyaga oo halkaasi uga mahadnaqay Guddoomiyaha AGA Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ay sheegeen inuu yahay aqoonyahan daacad ah oo noloshiisa inteeda badan galiyay daryeelka afka Soomaaliga.
Hadalkaan ayaa Wasiiraddu waxa ay ka jeediyeen munaasabaddii lagu soo bandhigayay waxqabadkii AGA ee sannadkan sii dhammaanayo, taasi oo ka dhacday 24/12/2020 magaalada Muqdisho.
















