Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda warbaahinta iyo eheladii uu ka geeriyooday Wariye Axmed Cabdi Nuur oo 6/1/2021 ku geeriyootay magaalada London!
Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa sheegay in Marxuum Axmed Cabdi Nuur uu kaalin muuqata ka soo qaatey waxbarashada iyo wacyigilinta bulshada Soomaaliyeed, iyada oo uu xusay in wariyuhu uu ka mid ahaa tiirarkii warbaahinta Soomaaliyeed ee safka hore kaga jirey xoojinta dhaqanka, afka iyo hal-abuurka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha AGA ayaa hoosta ka xariiqay in geerida wariyahaasi ay wada taabatay ummadda Soomaaliyeed, waxaana uu Alle uga baryay inuu Jannadiisa ka waraabiyo, qoyskii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Allaha u naxariistee wariye Axmed Cabdi Nuur ayaa sannadkii 1955 waxa uu ku dhashay magaalada Ceelbuur, waxaana uu ka mid ahaa wariyaashii ugu magaca dheeraa ee afka Soomaaliga, isaga oo muddo dheer ka soo shaqeeyay Raadiyo Muqdisho iyo BBC-da laanteeda afka Soomaaliga.















