Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Md Cismaan Abuukar Dubbad oo ay weheliyaan Xildhibaanno ka tirsan BFS, Agaasimayaasha Wasaaradda Warfaafinta iyo aqoonyahan kale ayaa shalay oo ku beegneyd 24/12/2020 waxa uu kormeeray Dhismaha Xarunta Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) oo maraya heer gabagabo ah.
Guddoomiyaha AGA Dr. Maxamed Daahir Afrax oo soo galbiyay Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa ugu warbixiyay dadaalladii adkaa ee laga soo maray hirgelinta bilowga dhismaha xarunta dhexe ee Akadeemiye-Goboleedka ee magaalada Muqdisho iyo heerka gabagabada ee uu marayo dhismaha xaruntaas.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Md Cismaan Abuukar Dubbad iyo wafdigiisa ayaa lagu soo wareejiyay guud ahaan dhismaha socda ee xarunta, ayaga oo qeyb walba oo ay kormeeraan laga siinayay warbixin ku saabsan qeybtaasi.
Wasiir Dubbad ayaa ku bogaadiyay Guddoomiye Afrax iyo intii kale ee gacan ka gaysatayba shaqada nafhurnimada ah ee ay qabteen.
Dhismahan Akadeemiyada ayaa waxaa iska kaashanaya dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti, iyada oo ay dowladda Jabuuti iyo Madaxweynaheeda Md, Ismaaciil Cumar Geelle ay ciyaareen door lama illaawaan ah.
WD. Qalbi Taajir

















