Gudoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga  (AGA)  prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa hambalyo ku aadan dhalashada bisha Ramadaan ee sannadka 1439-ka ee Hijiriayda Islaamka waxa uu  u diray guud ahaan shucuubta  Islaamka ah gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed.

“Soonka waa bil cibaado oo sannadkii hal mar soo marta dadka Muslimiinta ah, si fursadaasi looga faa’iideysto  waxaan ku baaqayaa in Alle loo towba keeno, in  la badiyo akhriska quraanka, in loo samfalo  dadka tabarta yar, In la wanaajiyo akhlaaqda iyo hab  la dhaqanka dadka, in laga shaqeeyo faafinta wanaaga, iwm” ayuu yiri Prof. Afrax oo intaasi raaciyay inuu shucuubta islaamka u wada rajaynayo in  sannadkaan kiisa kale ay ku gaaraan nabad iyo barwaaqo.

Bisha Ramadaan ee sannadka 2018-ka ayaa Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga waxay ugu soo beegantay xilli ay Akadeemiyadu u soo qabsoomeen hawlo baaxad leh oo lagu faani karo.