Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) waxa ay qeybaha kala duwan ee aqoonyahanka, waxgaradka iyo dhallinyarada jecel afka, dhaqanka iyo hal-abuurka ay ku martiqaadaysaa in ay kala soo qeybgalaan Madasha AGA oo qabsoomaysa Sabtida ugu horreysa ee bisha November oo ku beegan 7/11/2020-ka.
Madashan oo aad u xiiso badnaan doonto ayaa si gaar ah waxaa diirada loogu saari doonaa Mawduuca hal-ku-dheggiisu uu yahay: Adeegsiga AfSoomaaliga & Ubadka Qurbajoogta: Caqabadaha Jira & Fursadaha Garabyaal
Waxaa soo jeedinaya xeeldheerayaasha:
1. Md. Xuseen M. Cabdulle “Wadaad”, Qoraa, AGA-Swedan
2. Mw. Saynab Aadan Sharci, Xeeldheere Af-Soomaaliga, AGA-UK.
3. Md. Bashiir Cali Xuseen, Qoraa, Oslo (Norway)
Waxaa xiriirinaya: Md. Boodhari Warsame, Xeeldheere Af-Soomaaliga, AGA-Swedan
Taariikh: 7/11/2020 Sabti
Saacad: 7:00 – 9:00 fiidnimo, Waqtiga Bariga Afrika
Kaga soo qaybgal Barta ZOOM ama kala soco Facebook TOOS (LIVE)
Kulanka Zoom-ka kaga soo qaybgal – Join Zoom Meeting
https://us02web.zoom.us/j/7866050646
Meeting ID: 786 605 0646
Ka soo qaybgalkaagu waa muhiim















