Xalay oo ku beegneyd 22/10/2020-ka waxaa magaalada Garoowe ee Dowlad Goboleedka Puntland lagu qabtay madasha PDRC Talks oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda Puntland Development and Research Center (PDRC), waxaana ka soo qayb-galay Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee BFS, Xildhibaanno heer Dowlad Goboleed, Golaha Wasiirrada Puntland, Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), Shaqaalaha rayidka ah, ururrada bulshada, naadiyada akhriska iyo qoraalka ee Puntland iyo warbaahinta maxalliga ah.
Ugu horrayn waxaa martida fagaaraha PDRC ee bishan u mahad-celiyay Agaasimaha PDRC Cali Faarax Cali, isaga oo sheegay in mowduuca bishaan loo soo xulay dadkii mudnaa.
Mawduuca oo ku saabsanaa Haddimadii Burburka iyo Hayaankii Hiilka Afka Hooyo ayaa waxaa si hufan u faaqiday xeel-dheerayaal muddo ku soo jiray fankaan, waxaana ka mid ahaa Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax, Qoraa sare Axmed Faarax Cali “Idaajaa”oo ka mid ah maqaawiirta Akadeemiye-Goboleedka AGA , Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdulle “Shaacir” Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Puntland; Dr. Cabdullaahi Rooble, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Puntland; Mudane Ashkir iyo Sanator Juriille oo ka mid ah Aqalka Sare ee BFS.
Dr. Afrax oo qaatay mudnaanta khudbadda (Keynote Speech) ayaa gorfeeyay jiitankii iyo halgankii loo soo maray AfSoomaaliga, sidii loogu faro-adaygay in la helo far-Soomaali qoran oo la wada fahmi karo. Waxa uu Afrax timaamay afar marxaladood oo uu soo maray hayaankii afka hooyo asaga oo ku sheegay;
Xilligii baadigoobka far Soomaaliga (1920-1960s)
Hirgelintii farta iyo Horumarintii Af Soomaaliga (1970-1980s)
Xilligii daalaa-dhaca iyo dib-u-noqodka
Xilligii sare kaca iyo samata-bixinta ummadda iyo afkeeda
Dr. Afrax ayaa carrabka ku adkeeyay sababaha uu afka hooyo hiilka ugu baahan yahay in ay ugu wayntahay; In uu yahay furaha aqoonta iyo in uu yahay Nuxurka waddaniyadda iyo isku keenidda Soomaali meel walba oo ay joogaan.
Qoraa sare Axmed Faarax Cali “Idaajaa” oo ah suugaanyahan iyo Ruug-caddaa Saxaafadeed, kana mid ah maqaawiirta AGA ayaa si wayn u muujiyay sidii Soomaalidii hore ay suugaanta ugu adeegsan jireen dhaqanka xukunka, dhaqanka guurka iyo anshaxa wanaagsan asaga oo halkaas ka mariyay gabayo ay ka muuqatay waddaniyada, af-jacayl iyo hodonnimo.
Sidoo kale waxaa khudbad qiimo badan jeediyay Abwaan Yuusuf Shaacir isaga oo sharraxaad dheeri ah ka bixiyay sida suugaanta ay door wanaagsan uga qaadato nabadaynta iyo daminta colaadaha.
Ugu dambayn Wasiiru Dowlaha Waxbarashada Puntland ayaa sheegay in ay toddobaadkii hore ansixiyeen Xeerka hiilka Afka Hooyo iyo Daryeelkiisa waxana uu ballan qaaday in muddo laba sano ay manaahijta waxbarasho ee Puntland loogu rogi doono Af Soomaali.
Wasiirkii Hore ee Arrimaha Gudaha DFS, Cabdi Faarax Juxa ayaa soo xiray munaasabadda asaga mahadcelin diirran u jeediyay martida iyo ka soo qaybgalayaasha.
Waxaa Diyaariyay:- Rooble Axmed Iidle (Qalbi-taajir)















