Buugga la yiraahdo Haldoor waa buug ka mid ah Taxanaha Darsida Afka iyo Suugaanta Soomaalida, taxanahaasi ayaa  ah  mashruuc ay ku tallaabsatey Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), ujeedadiisuna ay tahay dhiiri-galinta, taageerida iyo horumarinta dadaalka cilmiyeed ee ku wajahan ururinta, darsida, kaydinta, fidinta iyo horumarinta af-Soomaaliga iyo hal- abuurkiisa fan iyo suugaaneed.

 Hawshaani waxay aas-aas u tahay himilada uu xambaarsan yahay halku-dhigga AGA ee ah “Himiladayadu waa Hiilka afka hooyo iyo Hal-abuurkiisa”.

 Waa taas ujeeddada aanu Akademiye ahaan u go’aansanay buugga labaad ee taxanuhu inuu noqdo dhigane diiwaan-galinayo dadaalkii weynaa ee uu muddo Konton sanno ka badan ku soo jirey Shariif  Saalax Maxamed Cali, sidoo kale buuggani wuxuu bidhaaminaya dhaxal-cilmiyeedkii uu inooga tagey.

Buuggani mar waa Xus iyo Baroor-diiq, marna waa Abaalgud iyo Bogaadin, marna waa u-Iftiiminta jiilka dambe in  la tuso wanaagii Shariif Saalax si ay ugu daydaan sooyaalkii  Marxuumka, kaasi oo wada ahaa dadaal iyo xilkasnimo.

Haldoor oo ah Buug qiimo badan ayaa  lagu soo bandhigay munaasabadii loogu tala-galay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Buugga oo ku beegneyd 23-kii Abriil 2018-ka, muwaadin Kasta oo jecel  buuggani waxa uu ka heli karaa xarumaha Akdeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) iyo goobaha aqoon faafinta wadanka oo dhan.