Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa shalay oo ku beegneyd 19/10/2020 waxa uu kulan gaar ah oo looga hadlayay dar-dargalinta hawlaha Akadeemiye-Goboleedka uu la yeeshay goosan hawleedka Akadeemiyada ee magaalada Muqdisho.
Dr. Afrax ayaa xubnaha goosankaasi waxa uu uga warbixiyay sida loogu baahan yahay in loo laba jibaaro shaqooyinka Akadeemiyada, waxaana uu caddeeyay in ay lagama maarmaan tahay in lala yimaado waxqabad la taaban karo, isaga oo tilmaamay inay jiri doonto isla xisaabtan iyo qiimeyn ku aadan hadba shaqooyinka la qabto.
Kulankaasi waxaa iyaguna ka hadlay Prof. Mustafa C/laahi Feyruus, Al-ustaad C/llaahi Gacanka, Cabdi-naasir Yuusuf Macallin, Caaqil Axmed Faarax, Axmed Maxamed Dhicisow, C/qaadir Cabdi Axmed (Jubba), Rooble Axmed Iidle (Qalbi Taajir), Seynab Xaaji Axmed (Ugbaad) iyo xubno kale, kuwaasi oo soo jeediyay warbixinno ku kala saabsanaa horumarka laga sameeyay Madasha AGA, cusboonaysiinta Degalka Akadeemiyada, hanaan socodka Warsidaha, dar-dargalinta isticmaalka Page AGA ee Facebook-ga iyo qoddobo kale oo muhiim ahaa.
Gaba-gabadi kulankaasi ayaa Guddoomiyaha AGA waxaa uu kula dar-daarmay goosan hawleedka Muqdisho inay toddobaad walba soo gudbiyaan hadba wixii uga qabsoomo.















