Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa shalay oo ku beeegneyd 12/10/2020-ka waxa uu dhismaha xarunta Akadeemiye-Goboleedka ku soo dhaweeyay wafdi heer sare ah oo isugu jirey Xildhibaanno iyo madax ka tirsan maqaawiirta Akadeemiyada oo dhawaan dibadda ka yimid.
Wafdiga soo booqday xarunta Akadeemiyada waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim, Bare sare Cabadalla Cumar Mansuur iyo Qoraa sare Axmed Faarax Cali (Idaajaa) oo ka mid ah maqaawiirtii asaastay Akadeemiye-Goboleedka, kuwaasi oo dhawaan socdaal aqooneed ku yimid magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha AGA ayaa wafdiga ku soo wareejiyay qeybaha ilaa iyo haatan la dhisay, waxaana uu masuulyiintaasi uga warbixiyay halka uu marayo hawsha dhismuhu, isaga oo iftiimiyay in dhismaha xaruntaas ay Guul u tahay dadaalka loogu jiro hiilka afka hooyo.
“Xaruntan waa hoygii horumarinta afka Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa, hawlo badan oo la xiriira horumrinta iyo ilaalinta afka hooyo iyo hal-abuurkiisa ayaa lagu fulin doonaa, waxaana ku faraxsan ahay heerka uu iminka marayo dhismaheedu, iyada oo aan ku kalsoon ahay inta dhimmana in la dhamaystiri doono” ayuu yiri Dr. Afrax oo u mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti iyo Dawladdiisa oo hawshan ka geystey gacan taariikhi ah.
Xubnaha wafdiga oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin dadaalka loogu jiro dhismaha xaruntaas, iyaga oo tilmaamay xaruntaan in ay wax badan ku soo kordhin doonto hiilka afka hooyo.















