Shalay oo ku beegneyd 5tii Oktoobar magaalada Muqdisho waxaa ka furmay shir ku saabsan ka tashiga sidii loo asaasi lahaa guddi u xilsaaran horumarinta qoraalka AfSoomaaliga.

Shirkan oo lagu qabtay xarunta Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo suugaanta waxaa ka soo qayb-galay madax sare oo ka socotey dowladda Soomaaliya, ururrada bulshada iyo aqoonyahanno daneeya arrimaha AfSoomaaliga.

Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ka mid ahaa madaxdii shirkaas ka soo qaybgalay ayaa fekrado dhaxalgal  ah ka soo jeediyey.

Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ku hadlayay magaca xeeldheerayaasha afka Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa fan iyo suugaaneed ayaa caddeeyay AfSoomaaliga inuu u baahan yahay Gurmad Qaran oo aan loo kala harin si looga badbaadiyo halista soo food-saartay afka Soomaaliga, taasoo ka dhalatey bur-burkii dalka ka dhacay, isaga oo xusay in loo baahan yahay in lala yimaado dadal wadajir ah iyo iskaashi lagu samta-bixinayo afkeena hooyo.

“Afku waa hantida ugu qaalisan ee ay leedahay ummadda Soomaaliyeed… Qaran-jabkii Soomaaliya kadib, waxa aan qurbaha ka bilownay qaylo-dhaan ku aadan sidii halista looga bad-baadin lahaa afkeena hooyo. Nasiib-wanaag Dawladda Jabuuti oo uu hormuud u yahay Madaxweye Ismaaciil Cumar Geelle ayaa nagu garab istaagay gacanweynna ka gaystey soo nooleynta AfSoomaaliga” ayuu yiri Dr. Afrax oo ka codsadey Dawladda Soomaaliya inay mudnaanta koowaad siiso daryeelka iyo hiilka afka Soomaaliga.

Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa maalintiisa koowaad waxa ay ahayd maalintii furitaanka, waxaana uu ku soo dhammaaday si wanaagsan.