Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa xalay oo ku beegneyd 3/10/2020, waxa ay aalada fogaan aragga ee loo yaqaano Zoom-ka ay ku qabatay Madasha AGA ee lagu lafo-guro AfSoomaaliga iyo Tayayntiisa, taasi oo lagu gorfeeyay mowduuc uu hal ku dhigiisu ahaa “Adeegsiga AfSoomaaliga & Aaladaha Warbaahinta”.

Madasha Bishaan waxaa daah-furay Guddoomiyaha Guddiga Warbaahinta, Dhaqanka iyo Isgaarsiinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Khaalid Macoow C/qaadir, ahna xeeldheere saxaafadeed iyo bare sare oo ka tirsan Kulliyadda saxaafadda ee JUS. Waxaana uu ka sheekeeyay sida ay madashan u xoojinayso is aragga dadka indheer-garadka ah ee ka shaqeeya horumarinta Afka, dhaqanka iyo hal-abuurka, isaga oo soo dhaweeyay mowduuca bishan loo soo xushay madasha AGA iyo aqoonyahankii loo doortay inay ka qeyb-qaataan.

Xildhibaan Khaalid Macoow oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay heerarkii kala duwanaa oo ay warbaahintu  soo martay iyo qeybaha ay u kala baxdo, waxaana uu tilmaamay in bahda ka hawl-gasha looga baahna yahay inay la yimaadaan aqoon, masuuliyad iyo hal-abuur ku aadan horumarint afka, dhaqanka iyo suugantiisa, isaga oo ku booriyay saxafiyiinta Soomaaliyeed inay ka qeyb-qaataan kobcinta iyo hiilka afkeena hooyo, maadama ay ka mid yihiin macallimiinta ummadda.

Madashaas oo aad u xiiso badneyd ayaa soo jeediyaasheeda waxaa ka mid ah qoraa sare iyo suugaanyahan Axmed Faarax Cali (Idaajaa), oo ah cabqari aad loogu yaqaanno darsidda afka, dhaqanka iyo Suugaanta Soomaalida. Qoraaga ayaa usha ku dhuftay eray bixinta toolmoon ee loo baahan yahay in ay adeegsado warbaahinta,  taasi oo uu tilmaamay in ay hodonaynayso kalsoonida lagu qabo isha warkaasi ka baxay.

Sidoo kale waxa uu si cilmiyayasan uga hadlay sidii shalay warbaahinta loo isticmaali jiray, sida hadda looga faa’iideysto iyo sida suurtagalka ah ee berri loo dhigi karo. Waxaana  uu gaba-gabadii la dardaarmay wariyayaashii ka qayb galay madasha bishan oo uu caddeeyay in ay iyaga gaar u tahay, isaga oo u soo jeediyay inay xil gaar ah iska saaran hadba wararka iyi barnaamijyada ay tabinayaan.

Cabdinuur Sh. Maxamed Isxaaq oo ah Ruugcaddaa Saxaafadeed, kana mid ahaa aqoonyahankii martida u ahaa Madasha AGA ayaa isna taabtay in ay mudan tahay in la xuso erayo guulaystay oo hirgalay, waxaana uu si fiican u iftiimiyey kaalinta AfSoomaaliga iyo adeegsigiisa warbaahineed.

Aqoonyahankii martida ku ahaa madasha AGA ayaa si gaar ah ka qayb-qaatayaasha ula wadaagay qiimihii uu lahaa AfSoomaaliga, barnaamijyadii iyo kaalintii ay warbaahinta Soomaaliyeed ka qaadatay waayihii dadaalka loogu jiray dhigaalka far Soomaaliga, awoodihii Guddiga AfSoomaaliga iyo Ololihii Bar ama Baro. iyaga oo ugu dambayntii iftriimiyay in ay lagama mamarmaan tahay sidii loo xoojin lahaa tayaynta Adeegsiga AfSoomaaliga ee dhinacyada Aaladaha Warbaahinta” .

Saxafi sare Burhaan Axmed Daahir oo madashaasi xiriiniyay ayaa su’aalaha u qeybinayay martida iyo ka qeyb-galayaasha, iyada oo ka hor intii aan la soo gunaanadin madashaasi ay ka qeyb-qaatayaashu su’aalo guud oo la xiriira mowduuca ay waydiiyeen  xeeldheerayaashii barnaamijkaas martida ku ahaa.

Waxaa Diyaariyay:- Rooble Axmed Iidle (Qalbi Taajir)