AfSoomaaligu waa af da’ weyn oo hodan ka ah xagga erayada, dhismaha naxwaha iyo suugaanta iyo xag walba, af-ahaan afka soomaaliga hodantinimadiisu waxay leedahay macne aad u ballaaran.
Bal aan dhowr tusaale ka soo qaadanno hodantinnimada afkeenna hooyo:-

Gooraynta socdaalka
Soomaalidu socdaalkeedu mid waliba waxa uu leeyahay magac u gaar ah, oo tilmaamaya waqtiga la safrayo, haddii ay tahay aroor hore, xilli kulul, habeen madow, iwm.
Safarka aroortii hore magacyo badan ayuu leeyahay waxaana ka soo qaadan karnaa jarmaado, kallahaad, hiiraysi, Safarka duhurkii ah waa dhalandhool, Safarka galabtiina waa carraabo, Safarka habeenkiina waa guurayn.

Sarbeebta
Sarbeebtu waxay ka mid tahay siyaabaha af Soomaaligu hadal dedan farriimaha ugu gudbiyo, tusaale ahaan:-
Suuldhabaale waa hadal, haddana waa si gooni ah:-
Sanqashaduna waa hadal, haddana waa si gooni ah.
(Xigasho, hees ay wada qaadaan C/raxmaan dheere iyo Sahra Axmed).
“Inay Siigo Boor tahay,
Saxan-saxo udgoon tahay,
Ila garo saluuglaay!”

“in sibraar muggii yahay,
Oon saa’id lagu darin,
Ila garo saluuglaay”
(Hees uu qaado Cumar Dhuulle Cali)
“Dhagax dhuunta ma-maro,
Dhaayahaad ku aragtaa?
Wax dhintay waad ka samirtaa
Rajo waa la dhawraa”.
(Hees uu qaado Daa’uud Cali Masxaf)

Erayada xiriirka qoyska
Hodantinimada Af Soomaaliga waxaa ka mid ah erayada loo adeegsado xiriirka xubnaha qoyska, Af Soomaaligu waxa uu leeyahay [in ka badan] 22 magac oo mid waliba goonidiisa u taagan yahay, waxaana ka mid ah:- hooyo, aabbe, habaryar, eeddo, aayo, abti, adeer, ayeeyo, abooto, awoowe, seeddi, dumaashi, soddoh, soddog, dangalo, oori, walaal, rajay, agoon, madi, xigsiisan ama illintira.

Maalmaha tagay iyo kuwa soo socda
Soomaalidu hodantinimada afkeeda waxaa ka mid ah maalmaha tagay iyo kuwa soo socda, waxaana ay u leeyahiin magacyo u gooni ah, waxaana ka mid:- maanta, shalay, berri, dorraad, saadambe iyo saakuun.

Dhanka kale haddaan ka eegno, hodantinimada afka waxaa ka mid ah maah-maahyada Soomaalida oo xigmadi ka buuxdo, tusaale ahaan maahmaahda oranaysa:-
“Miro gunti ku jira kuwa geed saaran looma daadsho” Maah-maahdaan waxaa loogu maah-maahaa marka la arko cid wax ay haysato dayacaysa, iyadoo ciddaasi is leedahay hel wax kale oo ay u aragto inuu uga roon yahay waxa ay dayacayso, laakiin aanay isku hubin helidiisa, Waxaan maahmaahdaan u soo qaatay hodantinnimada afkeenna inaan mar kasta xoogga saarno.

Afka hooyo horumarintiisa cid walba waxaa ka saaran masuuliyad gaar ah, Afkaaga ayaa ku bara afaf kale, Qoraalka farta hooyo bar ama baro, Afku waa magacaaga, fartuna waa sumaddaada, Afkaaga ilaali afafka kalana baro.

WQ. Cabdinaasir Yuusuf Macalin (Ganey)
E-Mail cnaasir114@hotmail.com