Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) Macallin Saciid Saalax Axmed ayaa 16/8/2026, waxa uu xafiiskiisa ku soo dhaweeyay qoraaga dhiganaha Aamusnaan Muna-Maandeeq oo booqasho sharafeed u tagtay guddoomiyaha AGA.

Soo dhaweyn, is barasho iyo  kala warqaadasho kaddib ayaa qoraha dhiganaha Aamusnaan Muna-Maandeeq, waxay nuqullo ka mid ah dhiganaheeda ay guddoonsiisay guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) Macallin Saciid Saalax Axmed.

Guddoonsiintaasi kaddib, waxay qoraha Aamusnaan dhawr nuqul oo kale oo ka mid ah dhiganeeda Aamusnaan ay ku wareejisay maamulka maktabadda Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA).

Horay ayaa qaar ka mid ah madaxda iyo aqoonyahannada Soomaaliyeed, waxaa loo soo guddoonsiiyay nuqullo ka mid ah dhiganaha Aamusnaan.