Kormeer ay ujeeddadiisu aheyd dhiirrigilin, indha-indhayn, kala war qaadasho & sidii ay safaaradda Jabuuti ula socon laheyd hawlaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga ayaa maanta oo ku beegan 16/8/2026, waxaa xarunta Akademiyada ku yimid Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya Md. Cismaan Dubbed Sugulle.
Danjire Dubbed, waxaa xarunta Akademiyada AGA, si kalgacal leh ugu soo dhaweeyay guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Macallin Saciid Saalax Axmed & xubno ka mid ah hawlwadeennada Akademiya Goboleedka AGA.
Md. Cismaan Dubbed , ayaa kormeeray dhammaan waaxyaha & qaybaha ay ka kooban tahay Akademiyada, sida Maktabadda & kaydkeeda, fagaaraha (Tiyaatarka) AGA, Hoolka shirarka, xafiiska naadiga Somali Pen ee xarunta AGA, xafiisyada hawlwadeenada kala duwan iyo qaybaha qabyada ah, waxaana meel walba oo uu booqdo warbixin ka siinayay guddoomiyaha AGA Macallin Saciid Saalax.
Kormeerkaas kaddib, Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya, waxa uu xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Macallin Saciid Saalax Axmed, waxayna ka wadahadaleen sidii ay safaaradda Jabuuti gacan uga gaysan laheyd horumarinta hawlaha ay Akademiyadu u xilsaaran tahay.
Danjire Dubbed ayaa sheegay ujeeddada kormeerka safaaraddu ay ku timid AGA inay tahay farriin ka timid Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuuna caddeeyay inuu ku farxay hawlaha ka socda xarunta AGA, isagoo ka mahadnaqay sida diirran ee loogu soo dhaweeyay xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga.
Guddoomiyaha AGA Macallin Saciid Saalax ayaa Danjiraha uga warbixiyay hawlgallada Akademiyada, dadaalka iyo horumarinta af Soomaaliga, dhibaatooyinka jira iyo baahiyaha taagan.
Ugu dambayntii, guddoomiyaha AGA ayaa Dajiraha guddoonsiiyay buugaag kala duwan oo xul ah, waxayna labada mas’uul ku ballameen inay yeeshaan kulamo kale oo lagu sii ambaqaadayo wada shaqeynta iyo xiriirka laba dhinac.















