Madasha AGA oo ah madal aqooneed lagu gorfeeyo arrimaha AfSoomaaliga iyo Hal-abuurkiisa ayaa xalay oo ku beegneyd 5/9/2020, waxaa lagu qabtay aaladda fogaan aragga ee loo yaqaano ZOOM-ka. Madasha bishaan oo ka duwanayd kuwii hore ayaa waxaa ka soo qayb-galay masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan xukuumadda Dawlad Deegaanka Soomaalida, barayaal jaamacadeed iyo xeeldheerayaal kale.
Ararta madasha ee bisha Sebteembar oo si weyn u soo jiitay aqoonyahankii ka soo qeyb-galay madashaasi ayaa ugu horeyntii waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax oo kulanka faahfaahiyey, isla markaana ku soo dhaweeyey Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Ilyaas Abiib, si uu toos ugu daah-furo Madasha AGA ee bisha Sebtembar 2020-ka.
Wasiir Ilyaas waxa uu jeediyay sharraxaad kooban iyo sida xukuumadda DDS ay uga go’an tahay horumarinta AfSoomaaliga. Macallin Maxamuud Maxamed oo ah madaxa machadka daraasaadka AfSoomaaliga ee jaamacadda Jigjiga, ahna wakiilka AGA ee Itoobiya ayaa ka sheekeeyay heerarka adeegsiga AfSoomaaliga ee DDS, goobaha waxbarashada, xafiisyada dowladda iyo sida uu afka Soomaaliga u yahay luuqadda koowaad ee dawlad deegaanka Soomaalida.
Dr. Cabdinaasir oo ah Guddoomiye Ku-xigeenka AGA, kuna sugnaa Addis-ababa ayaa ku dheeraaday taariikhda AfSoomaaliga iyo sida ay muhiim u tahay in la daryeelo. Maxamed Xasan Ciro oo ahaa hagaha madasha ee bishan ayaa fursado kala duwan siiyay ka qayb-galayaasha Madasha oo si daah-furnaan ah u waydiiyay weydiimo hadal jeediyayaasha, waxaana si hufan looga iftiimiyay mad-madowgii ugu jiray waydiimahooda.
Ka qaybgalayaasha ayaa u badnaa aqoonyahan u jeellanaa in ay ka faa’iidaystaan maqaawiirta, waxaana ay su’aalaha ka soo dirayeen dalka gudahiisa iyo dibaddiisa.
Guddoomiyaha qabanqaabada Macallin Mustafe Fayruus ayaa u mahadceliyey ka qayb galayaasha iyo martidaba, waxaana uu soo xiray Madashii boqranayd ee halkaasi ka dhacday.Waxaa Diyaariyay:- Rooble Axmed Iidle (Qalbi Taajir)