HA MOOGAAN OO HA KA MAQNAAN MADASHA BISHAN
Akadeemiye-Goboleedka waxay kugu martiqaadaysa madasha AGA ee bishan Janaayo.
Mawduuca madashani waa “FALANQAYNTA SILSILAD-MAANSEEDYADII SOOMAALIDA EE QARNIGII 20AAD”.
Waxaa lagu gorfaynayaa silsiladihii maansooyinka ee la tiriyay qarnigii 20aad, iyadoo diiradda la saarayo kuwii ugu caansanaa. Waa mawduuc taariikh iyo xiisaba leh.
Waxaa soo jeedinaya xeeldheerayaasha iyo faaqidayaasha suugaanta ee kala ah:
Macallin Siciid Saalax Axmed, Minnesota (USA),
Md. Rashiid Sh. Cabdillaahi “Gadhweyne”, Sheffield (UK),
Md Maxamed Cismaan Guuleed “Abwaan”, Minnesota (USA).
Waxaa kala sheekaysanaya suugaanyahanka Macallin Cabdullaahi Sh. Cabdi “Gacanka”.
Waa xiriirintii iyo hagiddii Najma Qaran-bila.
Madashu waxay ku bixi doontaa aaladda ZOOM habeenka Sabtida ay Axaddu soo gelayso 08/01/2022, 07:00 – 09:00 fiidnimo ee waqtiga Bariga Afrika. Insha Allaah.
Join Zoom Meeting
https://us02web.zoom.us/j/7866050646
Meeting ID: 786 605 0646
Passcode: AGA2021
Kasoo qayb-galkaagu sharaf ayuu noo yahay















